Page 162

Codadkeenna, Sawirradeenna

talyaani ah, dugsigii sarena talyaani ayuu ahaa. Nidaamka oo dhan wuxuu u dhisnaa sidii talyaaniga, iskuulkana talyaani un baa lagu dhigi jiray.   Markaan yaraa waxaan ciyaari jiray kubbadda cagta iyo baasket. Waan ciyaari jirnay waxaanan dhageeysan jirney rock’n’roll. Waxaan ugu jeclaa Sam Cooke iyo Elvis Presley.   Dabaqadda sare kama tirsanayn. Aabahay wuxuu ahaa shakhsi caadi ah oo lahaa dhul yar. Iskuulka waxaa nagula jirey carruur waalidkood uu fakhri ahaa. Fiiga iskuulka 158 waxaa ka bixin jirtay kaniisadda. Fasalka waan isku qasneyn, wiilal iyo gabdho, laakiin qolalka jiifka iskuma qasneyn. Sannadihii iskuulku waxey ahaayeen kuwii iigu fiicnaa noloshayda. Nasiibdarradu waxay tahay inaan dib loo soo celin karin. Maxaad ku hamiyi jirtay kolkaad ardayga ahayd? Waxaan ku hamiyi jiray inaan noqdo ruux caan ah iyo inaan qayb ka noqdo nidaamka dalka loo maamulo. Iskuulka kadib maxaad qabatay? Waxaan qabay rajo ah inaan tacliinta sii wato, laakiin maadaama uu aabbe duqoobay waxaan ku khasbanaaday inaan reerka caawiyo iyo beerta. Waxaan lahaa walaalo iga waaweyn laakiin waxey horey ugu maqnaayeen waxbarasho dalka talyaaniga. Waxaan ahaa cidda keliya ee hartay, iyo odayga oo duq ah. Culeeyskii aniguu i fuulay. Waxaan ku shaqeeyn jiray ganacsi iyo intaan liin macaan, moos dhoofiyo oo dibadda ka keeno cunno kale. Magaalada gudaheedana waxaan ku lahaa laaybareeri aflaanta viidiyoowga oo aan ku keeydin jiray dokumentiga sawirrada ee taariikhda iyo dhaqanka soomaaliya, wax walba oo aan heli karay. Kaydkaa ma haysaa? May, xaruntii waa la bililiqeeystey. Waa fal aad iyo aad looga xumaado. Kaydkaa ayaa qiime u lahaan karay bulshada iyo caalamkaba, waxey u noqon kareen raadraac iyo in la arko sidii Soomaaliya ahaan jirtay. Sawirka oo dhan ayaa la heli karay. Maxaa muhiim ah in looga warramo jiilasha yaryar? Inay soomaaliya ka jirtay martisoor ballaaran, in dadka loola dhaqmi jirey hab wanaagsan. Waxaa muhiim ah in la ogaado in xorriyadda loo soo halgamey iyo in sannadihii 1960 ey na soo mareen laba madaxwayneyaal oo cod lagu doortay intii aanu milaterigu inqilaab ku qabsan awoodda. Waxaa laga yimid nidaam dimoqoraadi oo la galey hoggaan ciidan. Waa in la hayo sawirka guud si loo fahmo waxa dalka u roonaan lahaa maanta iyo in la isu barbardhigo horumarka laga gaarey Yurub iyo Mareeykan.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above