Page 161

Codadkeenna, Sawirradeenna

157 Axmed Cali Waxaan ka howlgalaa idaacad Muqdisho ku taala oo lagu magacaabo Banaadir. Howlo kala duwan ayaan ka qaban jirey, waxaa ka mid ahaa wararka oo aan akhriyo, inaan barnaamijyo sameeyo oo aan go’aankeeda lahaa moowduucyada barnaamijyada. Ugu dambeeyntii waxaan noqday madaxii idaacadda. Idaacadda waxaa lagu baahin jirey FM iyo mowjadaha gaaban. Maxaad Iswiidhen u timid? Haddii warbaahin laga shaqeeyo waa halis in Soomaaliya la joogo. Sababta ugu wayn oo aan u soo qaxay waxaa lahaa urur loo yaqaano al-Shabab.   Kolkii dagaal oogeyaashu joogeen toos laguuma soo weerari jirin haddaad sheegto wax ey dhibsadeen. Weli waxaa go’aanka lahaa madaxa qabiilka. Waxaa jiray dheelitir. Midda ugu xun haddaad gef sameeyso waxay ahayd haddaad xabsi gasho. Midda al-Shabab kaga duwan tahay waxay tahay inaanay lahayn ixtiraam. Dood ma ogola. Aakhirka qoorta ayey kaa gooyn.   Intii aanan raadiyaha ka howl bilaabin waxaan la shaqeeyn jirey ururro kala duwan ee xuquuqda bani’aadamka. Sababaha ay idaacadda u aasaasantay ayay ka mid ahayd dawladdii oo dhacday, waxaa dhashay jahwareer dhanka warbixinta. Lalama socon waxa dhacaya. Idaacadda ayaa dooneysay inay bulshada wararka gaarsiiso iyo indhaha lagu hayo heerka dhowrista xuquuqda bani’aadamka. Maanta suxufi ahaan Soomaaliya ma looga shaqeeyn karaa? Waxaa lagu shaqeeyaa cabsi joogto ah. Caadiyan waa marka la baqo. Xuquuq shakhsiga ammaankiisa dhowraysa ma jirto. Nidaam ma jiro ku difaacaya markaad fikir sheegto. U maleeyn maayo inuu jiro shakhsi suxufi dhabnimo ah ugu shaqeeyn kara sidii la doorbido. Waxaa ugu wacan cabsida. Korriimmadaadii ma u barbar dhigi kartaa sida dhallaanku maanta ugu nool yihiin Soomaaliya? Iyaga marka loo barbardhigo nasiib ayaan lahaa. Waxaan u soo joogay annaga oo leh waddan, dawlad, xeerar iyo bulsho shaqeeynaysa.   11967 ayaan bilaabay kuleejo uu baadari talyaani ahi gacanta ku hayay. Iskuulku wuxuu hoos imanayay Vaatikaanka. Dugsigii dhexe ayaan u wareegey iskuul kale oo


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above