Page 71

Codadkeenna, Sawirradeenna

walba oo uu raaco ama guursado. Aakhirka waxaa uu u iman jiray hooyo. Iyada ayuu ugu jeclaa.   Markii aan ka baxay fasalkii afaraad ayuu aabbe wiil u dhashay. Kolkii aan ka baxay dugsiga sare ayuu maamulkii cusbaa baabi’iyay nidaamkii hore ee iskuulka iyada oo midkan cusub lagu kordhiyey in cid walba oo dugsi sare ka baxda ay tahay inay shaqo qaran gasho, wiilal iyo gabdhaba. Markaa ka dib la doorto xirfad tababar lagu barto oo markaa lagu nagaado shaqadaa inta noloshaada ka harsan. Laba sannadood dabadeed ayaan imtixaan u galay shaqaale inaan bangiga ka noqdo. Waan ku guuleeystay oo waxaan 67 shaqo ka helay bangiga ganacsiga ee Soomaaliya. Ma nooga warrami kartaa siduu iskuulku ahaa xilligaa? Markii aan 6-7 jirka aheyn waxaan gabadhahayaga ku ciyaari jirney boombaleyaal aannu qoryo iyo caws ka sameeysaney. Wiilashu waxey baabuurta lagu ciyaaro ka sameeysan jireen daasadaha dabadooda.   Xilligaa maahayn wax lala yaabo in wiilasha iyo gabdhuhu iskuul wada dhigtaan. Waxaa la fariisan karay halkii la doono. Ma ahayn wax caadi ah in gabar iyo wiil ey miis wada fariistaan. Subaxnimadii ayey ardeydu saf geli jireen intaan fasallada la gelin. Marka hore waxaa la akhrin jirey aayado quraan ah, kadib waxaa la qaadi jirey heesta calanka, dabadeed waxaa la qaadi jirey hees dawladda lagu ammaaneyo, lagu ammaaneyo hogaamiyihii Siyaad Barre. Kadib waxaa dhammaan la geli jirey fasallada. Waxay ahayd sidii askar oo kale, waxaa la taagi jirey salaan. Macallimiinta maadooyinka kala duwan ayaa xiisadaha isku bedbedeli jirey, waxaa dhici jirtay in macallinku arday ku yiraahdo carsharka kor ugu hor akhri ardeyda. Haddii aan cashar guriga laga soo shaqeeyn oo laga jawaabi kari waayo waxaa sugayey ul iyo iwm . Wuxuu ahaa hab fasallada lagu konotrooli karo, haddii uu fasalka buuq ka bilowdo.   Kolkii dugsiga sare la soo gaaray waxaa la noqday qof wayn oo ma dhici jirin in ul la isku cabsiiyo. Kuwa dhibka iyo rabshadaha badan waxaa lagu ciqaabi jirey iney waalidkood u yeeraan oo loo sheegi jirey in ilmahooda toddobaad iskuulka laga joojiyey. Waxay ahayd ciqaab adag. Ma ka heli jirtay iskuulka? Aad baan uga heli jiray, xasuus badan oo wanaagsan ayaan ka helay xilligaa. Waxaa iskuulka la xiri jirey bisha siddeedaad, kadib waxaa fasax la ahaan jirey labada bilood ee ku xigta. Maadaama uu maamulku ahaa mid milateri waxay ku dabaaldegi jireen gaardis xilliga dayrta oo ahayd kolkii ey awoodda la wareegeen. Waxaa markaa nala kicin jirey saddexda aroornimo, waxaa naloo diyaarin jirey gaardiga. Qaarkeen waxaan


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above