Page 70

Codadkeenna, Sawirradeenna

Shamso Maxamed Kolkii uu aabbahay guursaday hooyaday waxay horay u heeysatay afar ilmood oo agoon ah. Intii aaney is baran ayuu aabbe yimid magaalo aanu cid ka garanayn. Marti soorka ayaa ahaa mid aad u sarreeya oo aqalka ugu horreeya haddii la garaaco oo la salaamo la isa soo dhoweeynayey oo la isa siinayey cunno iyo meel lagu hoydo.   Aabbahay ayaa iiga sheekeeyay inuu magaalada ku cusbaa oo hooyo ay soo dhoweeysay oo wiilasheeda ku tiri inay marti u timid oo ey booska u banneeyaan. Habeenkii meesha ayuu seexday, maalintii xigtayna wuu tagay, maadaama lagu soo barbaariyey muslinnimo 66 ayuu tagay masjidkii ugu dhowaa oo uu wacdi ka bilaabay. Bulshadii ayaa caashaqday. Wax lacag ah ma aanu heeysan, wuxuuna ku nagaaday guriga hooyo. Hooyo ayaa markaa jirtay 40, isaguna wuxuu ahaa 20 jir.   Muddo dabadeed ayuu cishqi dareemay. Dhowr jeer ayuu u soo bandhigay guur, hase yeeshee waxay u sheegtay inuu ka yar yahay, wuxuu la da’ ahaa ilmaheeda. Hase yeeshee kolkii ey ilmuhu ka seexdeen ayuu u yimid oo ula hadlay si xushmad leh wuxuu u sheegay inuu doonayo abaalka ay ku leedahay inuu gudo sidaa daraadeed uu u guursado islaan laga dhintay.   Sidaa ayey muddo dabadeed isku guursadeen aniga ayaana halkaa ku dhashay. Waxaan noqday ilmihii loogu jeclaa. Aniga dabadeeyna ilmo kale isuma aanay dhalin, maadaama ay gaartay da’dii ilmo gooyska. Wax yar dabadeed ayuu aabbe waydiiyay inuu la guursado islaan kale, maadaama aanay hooyo carruur kale dhali karin.   ”Wax dhib ah ma lahan,” ayay ku jawaabtay hooyo.   Waxaannu deggeneyn guri wayn oo leh qolal badan xaaskii cusbaana halkaa ayay nala soo degtay. Xaaska cusub ayaa ka yarayd aabbe, 18 jir ayay ahayd kolkay is guursadeen. Abbe wuxuu ahaa nin wanaagsan. Habeen wuxuu la seexan jiray hooyo, habeenka kalena xaaskiisa kale. Muddo dabadeed ayey khilaafyo kala dhex galeen isaga iyo xaaskii cusbaa, halkaa ayeyna ku kala tageen. Ilmana iskuma aaney dhalin. Aabbe wuu haray, waxaan ka guurney magaaladii oo aan u guurney Muqdisho.   Markaa waxaan ahaa 8 jir halka walaalaheyga iga weyni ka baxeen iskuulka. Waxey ii sheegeen inaan aniguna iskuulka dhigto, waxey doonayeen inaan wax barto. Xilligaa waxaa iskuulka lagu bilaabi jiray lix jir, laakiin anigu waxaan ku galay 8 jir. Aabbe mar kale ayuu Muqdisho ku guursaday. Waxa uu hooyo ku jeclaa waxay ahayd inaanay waydiin halkuu aaday, halkuu u socdo iyo cidda uu la kulmay. Kama aanay maseeri jirin cid


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above