Page 64

Codadkeenna, Sawirradeenna

Mustafa Cusmaan, 27 jir Waxaan ku koray waddan aaney ka jirin dawlad ama siyaasad ama wax shuruuc ah. Baabuurtu sidey rabaan ayey u socdeen. Waddan aan sharci lahayn waxaa loo dhaqmi karaa sidii la doono.   Iswiidhen qudheedu dagaal wuu soo maray, wuu ku adkaa bulshada iswiidhishka oo muddo soo halgamayeen oo waxey gaareen halkii ey hiigsanayeen. Waa in la yeesho samir. Waxaan rajeeyn in soomaaliyana caalamka ka mid noqoto. Wixii waa hagaagsanaa 60 Soomaaliya waa la masaxey.   Inta badan nolosheeyda waxaan ku jiray nolol la is dabirayo. Kolkii Iswiidhen la yimaado waxaa la garwaaqsan sida nolosha loo khasaariyey. Sida 20 sannadood oo nolosha ka mid ah loo dayacay. Xusni, 18 jir Waxaan Iswiidhen imid laba sannadood hortood. Soomaaliya waa halis, dagaal, dhibaato iyo bambooyin. Sida ay halis u tahay waxey ku xiran tahay xaaladda; kumaan ahay, xaggeen joogaa, maxaan ka shaqeeyaa. Dadku dagaal wey ku daaleen. Wuxuu socday muddo 20 sannadood ka badan. Waxaan rajeeyn iney joojiyaan.   Waxaan bartaa dalxiis iyo huteel. Soomaaliya waxay leedahay xeebaha ugu dhaadheer ee Afrika, waxaa halkaa ka jira suurtagallo waaweyn. Ma hayo wakhti aan lumiyo. Waxaan keliya oon ka fekereyaa mustaqbalka. Maxay tahay sababta ay Soomaaliya mar walba dhibaatadu u haysato? Wax la qaadan karo maahan.   Waxaan ku dhashay oon ku koray Muqdisho waan la socdaa waxa ka jira. Nolosheeyda oo dhan waxaan ku noolaa dagaal, sidoo kale waan ka soo bixi karaa, laakiin rajo ma jirto. Telefoonka ayaa lagaa soo wici oo laguu sheegi in ina adeerkaa uu dhaawac gaaray oo uu isbitalka yaalo. Bambooyin ayaa qarxaya, intaa dhiillo ayaa socota. Waa dhibaatada jirta.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above