Page 65

Codadkeenna, Sawirradeenna

Fowsiya Xassan Waxaan ku dhashay koonfurta Soomaaliya 1967. Waxaan deggenaa guriga aabbahey oo beeralay ahaa halka hooyaday ay deggenayd magaalada Muqdisho oo ey dukaan raashin ku lahayd.   Aabahey wuxuu lahaa lo’ badan, laakiin guri ma aanan laheyn. Waxaan lahayn oo keliya teendho yar. Waxaan u guurguureeyney meelo kala duwan. Carruurnimadii waxaan qaban jiray shaqo badan. Maalin walba dhowr saacadood ayaan maali jiray, dabadeed caanaha u qaadi jiray magaalada si aan halkaa ugu soo iibiyo. Weligay iskuul ma dhigan. Maadaama aan ku barbaaray baadiyaha.   Carruurnimadaydii waxaan xasuustaa inaanan weligay yeelan gabar da’dayda ah oo aan la ciyaaro. Yaraan ayaan ku weynaaday oo aan ka shaqeeyn jiray guriga iyo dibaddabar. Maxamed Cumar Waxaan dhashay 1992. Waxaan ku koray Muqdisho oo waalidkey ay ku lahaayeen ganacsi yar. Waxaan deggeneyn xaafad deggan oo ey ku dhaqnaayeen qoysas caruur badan leh.   Iskoolka dabadii ayaan kubbad la ciyaari jiray carruurta deriska, galabtiina waxaan tegi jiray dugsiga quraanka. Macallimiintu waxey ahaayeen kuwo adadag, mararka qaarkoodna waa la isku duubi jirey. Mararka qaarkood waxaa la tegi jirey badda oo lagu soo dabaalan jirey. Lows duban ayaan halkaa ka iibsan jiray. 61


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above