Page 239

Codadkeenna, Sawirradeenna

tahay waxay soo martay xanuunno badan. Way xishoonaysaa iyada oo u maleeynaysa in dhammaan dadku ka fileyaan inay adkeeysato oo dhibteeda la aamusto.   Waxaan qoray hees aan ku caawinayo; in wax walba la lumiyo iyo dalkii in loo murugoodo, maalin walba, hase yeeshee ay noloshu halkeeda ka sii soconayso. Heesta kuma saabsana oo keliya in dagaal biloowday iyo sidoo kale gabar da’ yar oo baxsad ugu maqan ingiriiska, ka soo baxsatay waalidkii dilka badnaa. Kuma saabsana oo keliya in waddan la lumiyo, iyo sidoo kale ilmaha waxaa la soo gudboonaan kara xaalad ay dalkooda uga qaxaan. Aniga oo heesta u maraya ayaan rajeeyn inaan rajo iyo dhiirigelin siiyo iyo inaan tuso in bidhaan wanaagsan ay soo muuqato. Laakiin loo baahan yahay in la yeesho geesinimadii lagu hiigsan lahaa. Waxaad si cad ula kulantaa dad badan oo guryaha ku dhibaateeysan? Haa. Kuli kadeed ayay ku nool yihiin, cid walba dhibkeeda ayaa cusleeyay. Qaar badani faruuryahay qaniinaan. Waxaan la kulmaa hooyooyin da’ yar oo haysta ilmo. Nasiibdarro qaar badan ayaa tacliinta ka hara kolka ay reer yeeshaan. Ma haystaan cid ku dhiirigelisa iney sii wataan tacliintooda. Habluhu wey ka muhiimsan yihiin wiilasha maadaama ey iyagu masuul ka yihiin guriga iyo ilmahaba. Habluhu waxay u baahan yihiin ruux taageera. Nolol nooma suurtagasheen la’aantood. Nolosha adduunku waa annaga. Adduunku waa ilmogaleenka.   Waxaan isku dayaa inaan middaa u sharraxo. Waxaa dhici karta inaan London kula kulmo aabbe leh shan hablood oo aan ka xumaado inaanu iskuul u dirin. Wuxuu oran karaa in aaney u baahneyn maadaama ey dhowaantan guursan doonaan. Maxaa dhicin markaa, kolkii ay guursato? Yaa ilmaha ka caawin duruusta? Maxaa dhicin haddii ninku 235 tago ama dhinto? Siday ilmaheeda u xannaanayn?   Aroosyadu waxay Soomaaliya marar badan ahaayeen goobaha ey wiilasha iyo gabdhuhu ku kulmaan. Ciyaaraha soomaalida badankood waa kuwo isku qasan, waa kuwo loogu talo galay wiilasha iyo gabdhaha. Hadda middaa waa laga saarey, waa ay sii wiiqmaysaa. Natiijadu waxay noqon doontaa in wiilashu meesha iska taagnaadaan, halka gabdhuhu ey isla ciyaaraan. Wiilasha uma suurtagaleyso iney ciyaaraha bartaan. Habluhu waxey baraneyaan qaybtooda un. Middii ragga ayaa maqan.   Nus ciyaar ayay noqonaysaa. Middaa qudheedu waa wax sii kobcaya, casri ayay noqotay, dhaqankaasina wuxuu ka yimid Bariga Dhexe. Ma ahan dhaqankeenna. Waa lagu khasbaa dadka. Waxaan leenahay: waxaannu leenahey dhaqankeenna oo haddii aad Bariga Dhexe sidaa uga dhaqantaan waa dhaqankiinna. Waxey leeyihiin ciyaaro u kala soocan ragga iyo dumarka. Annagu ciyaaraha waan isugu jawaabnaa, laakiin iminka xiriirkaa wuu suulay, waa nalaka qaaday.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above