Page 238

Codadkeenna, Sawirradeenna

  Soomaali badan ayaa middaa u soo taagnaa. Middaa keliya ee aan sameeyn karay waxay ahayd inaan shaqeeyo, shaqeeyo, shaqeeyo – iyo inaan qoro heeso. Weeraha heesta ayaan ku dhex ooyi jiray. Ma aanan gam’i karin marka wax un baan qori jiray, qori jiray. Maalinta xigta ayaan kici jiray oon shaqada aadi jiray. Laakiin nabar caloosha ayaan ka qaaday maadaama uu dagaalku halkiisii ka sii socday aniguna aan ahaa gabar yar oo aan waayoaragnimo u lahayn, mana aanan garanayn sidaan xanuunka u qaabili lahaa. Markii hore aniga ayaa isku ekeeyay. Dabadeed ayaan bilaabay inaan hees ku muujiyo xanuunkii i hayay.   Kolkii aan jaamicadda ka baxay waxaan ka howlgalay ururka Badbaadada Dhallaanka. 234 Maadaama aanay Soomaaliya ammaan ahayn ayaa la ii diray xero qaxooti oo Suudaan ku taala. Waxay ahayd xoogaa dib u jaleecasho; waxaa kaloo la i xasuusiyay sidii aan u ciyaari jirnay yaraantayadii. Xilliyadii ay socdeen tartammadii ciyaaraha ee magaalada Muqdisho ayey ciyaartooy ka kala iman jirtey gobollada iyadoona ay xaafad walba qaban jirtay xaflado ciyaareed. Waxaan xasuustaa carruurnimadaydii sidii aan ugu faraxsanaan jirney durbaanka iyo ciyaaraha.   Dib u jaleeca ayaa i soo dhaafiyay dhammaan dhibaatooyinkii ila soo gudboonaaday. Kolkii aan safarro ku kala bixiyay dhowr waddan oo afrikaan ah ayaan ku bartay ciyaaro kala duwan waxayna ii xariiqday dhabbo nololeed. Muusikada iyo ciyaaruhu waa waxa ugu wanaagsan ee is dhexgalka dhaliya. Waa hab dhallaanka u horseedi kara iney is dhexgalaan. Xitaa haddaan luuqadda la garaneyn waa la fahmi karaa muusikada.   Waxaan qabaa in dhammaan noloshii wanaagsanayd ee aan soo maray yaraantaydii waajib tahay in dhallaanka loo gudbiyo. Dhallaanku waa iney helaan cid u horseedda dhabbada wanaagsan. Ma ahan oo keliya dhallaanka ugu da’da yar; Waxaan shaqadayda kula kulmaa hablo badan oo soomaaliyeed oo uu wahab ama habbiso (depression) la soo gudboonaado kolka ay carruur dhalaan. Mararka qaarkood waxaa dhacda in ilmaha laga qaado inkasta oo waxa keliya ee hooyadu u baahan tahay ay tahay daweeyn maskixiyan ah, daawo iyo inay cid la kulanto. Waxay u baahnaan karaan maalin fasax ah oo ey naftooda ku soo daryeelaan, timaha ku soo hagaagsadaan ama diric qurxoon ku xirtaan oo ey meel ka soo qoob ka ciyaareeyaan.   Waxaannu leenahey laba xarrumood oo annagu aan maalgelinno. Mid waxay ku taalaa galbeedka London kan kalena bariga London Hackney. Caqabado badan ayaa la soo gudboonaadey qoysaska, ninka reerkana waxaa laga yaabaa inuu shaqo la’ yahay. Guriga waxaa ka jira xiriir iyo danayn la’aan. Ma jiro fahan in gabadhu ay xaaladdaa ku sugan tahay. Waxaan la kulanaa qaar badan oo aannu ka caawinno nuujinta ilmaha. Waxaan kaloo ka shaqeeyaa arrimmaha caafimaadka galmada waana waxyaabo aan laga hadal. Ma fahmaan macnihiisa. Gabadha waxaa dhici karta inay keli tahay oo uu wahab ama habbiso (depression) hayo, ninkuna aanu xiiseen gabadha. Haddii ay gudan


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above