Page 225

Codadkeenna, Sawirradeenna

Cid tacliin leh ma jirto iminka. Waa in la is dhageeysto oo la dhageeysto kuwa ugu waayoaragsan. Maanta la isma aamino. Waxaan halka kula kulmay dhallaan badan oo kelinimo dalka ku yimid. Habdhaqankoodu wuxuu ku xiran yahay iney ka yimaadeen waddan aanu xeer iyo kala dambeeyn ka jirin. Kolkii aan iskuulka dhiganayay waxaan ogsoonaa inaan dharkeeyga kaawiyadeeysto subaxdii waaxaan kaloo ogsoonaa safka meesha aan kaga jiro. Waxaan heesi jirney heesta calanka, dabadeed waxaan geli jirney fasallada halkaa oo uu ku sugnaa macallinkii i soo barbaariyay. Suurtagal maahan in loo barbar dhigo dhallaanka dhashay sannadihii 1990 iyo wixii ka dambeeyay. Qaarkood waxey sheegaan iney wax barteen. Xaggey ka barteen?   Mar ayaa jirtay aan rajo qabay iyo in Soomaaliya soo hagaagi doonto. Waxay ahayd markii madaxwaynaha iminka talada haya la doortay oo uu xushay shaqaale tacliin leh. Laakiin maxaa dhacay? Waxay noqdeen dameer iyo labadiisa dhegood. Anigu qabiilna kama tirsani. Waxaan ahay Soomaali keliya, intaa ma dhaafsiisani. Maxaa dhacaya haddii aad qabiilkaaga danahooda un soo hormariso? May, waa lagu guuldarreeystay iminka. Way dhammaatay. Waxaan u maleeyn inay Soomaaliya u dhammaatay. Waa ay un sii kala qeeybsameeysaa maadaama cid walba ay awoodda doonayso inay gacanta ku dhigto.   Waxay ka wanaagsanayd kolkii ey gumeeysteyaashii talyaaniga iyo ingiriisku isticmaarka ku hayeen. Bal Jabuuti eeg. Faransiiskii ayaa weli jooga, waana waddanka Afrika maanta ugu wanaagsan. Dhammaan waa dad wax bartay. Waa waxa laga hadlayo. Haddii aanan garanayn sida oogadaadu u shaqeeyso kuma siin karaayo daawada kugu habboon.   Qaraabada Soomaaliya ku harsan waa u ammaan kolka uu shakhsi kaga nool yahay Iswiidhen. Kolka ey lacag halka ku qaataan waxaa ku khasab ah iney la qeybsadaan qaraabadii dalka ku hartay. Qaboojiyaha ayaa u buuxa, laakiin intaa welwel ayey ku jiraan. Haween badan wey cayilaan, waxaa ku dhaca cudurka sokorta iyo rag badan oo dalkoodii ka ahaa madax waa iney sida iswiidhishka u dhaqmaan iminka oo iskuul tagaan. Qaar badan waxaa ku adag suuqa shaqada. Soomaalida caqabad ayaa la soo gudboonaatay. Waxaa kaloo jira warbixiyeenno badan oo oranaya:   ”Iska jir, sidaa ha yeelin!”   Midda aan rabo maanta inaan u halgamo waxay tahay in habluhu suurtagal u helaan tacliin, wiilashuna ey ixtiraamaan gabdhaha. Rajada keliya oo aan qabnaa waxay tahay dhallinyarada halka ku kortay oo nidaamkan wax ka qaadatay. Haddii Soomaaliya ay nabad ka dhici lahayd berito waan u socdaali lahaa anigoo wata waayoaragnimo ballaaran oo aan halkan ka helay. Halkaasaan gayn lahaa. Waanay u wanaagsanaan lahayd 221 soomaalida. Ma daawado tv-yada soomaalida. Wuxuu un kugu ridin niyadjab.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above