Page 224

Codadkeenna, Sawirradeenna

lakiin waxaan hadda dareemay inaan u baahanahay inaan halkaa u safro si aan jawaab ugu soo helo su’aasha ahayd xaggaan ka tirsanahay.   Waxaan ku noqday shisheeye. Cid aan hooyo ahayn kama garan. Waxba kama garanayn. 220 Ma dareemin dhadhanka shaaha iyo kafeega. Markuu telefoonku soo dhacay waxay hooyo i waydiisay inaan ka jawaabo. Waxaan ugu jawaabay:   ”Halka ma deggeni.”   Saaxiibaday iyo qaraabaday waxay igu yiraahdeen laguma fahmaayo. Qaraabada oo dhan ayaa kulmay waxeyna la noqotay inaan aamus iyo layaab isku darsaday, qofkaygan iska fadhiyay oo madaxa un lulaayay kolka cid kale ay hadleeyso. Waa sida Iswiidhen looga dhaqmo! Waxay la noqotay inaan maskaxda wax ka qabo maadaama aan un madaxa lulaayo. Qur’aan ayey dooneen iney igu akhriyaan si aan u caafimaado. Waxay ka welwel qabeen inaanan nin lahayn islamarkaana aan wato wiil ku fadhiya kuraasta curyaannada. Waxey ka welwelsanaayeen inaan caatoobay, laakiin waxaan ka diiwaan gashanaa kooxda cayilka oo uu dhaqaale badani igaga baxay!   Waxaan caadeeystay inaan dhageeysto inta aanan hadlin. Maalinta oo dhan waxaan ku shaqeeyaa tarjubaanimo, isbitaalka, maxkamadda, hayadda socdaalka. Waan ku khasbanaa inaan is debiro, waxaan ahaa hooyo kelinimo ku haysata afar carruur ah, halka uu mid ka mid ahina ahaa curyaan. Gabadhayda ugu yar waxay barataa kalkaaliye caafimaad ee gargaarka degdegga. Labadeeyda gabdhood ee kale waxey deggen yihiin Mareeykanka waxeyna barteen dhakhtarnimo.   Maalintii aan Soomaaliya ka soo baxaayay ayay hooyaday inta gacanta i qabatay igu tiri:   ”Luul, halka uma hilowdid. Halka kama aad soo jeedid. Nalama aadan joogin markaad noo timid.”   Markaan gurigayga ku soo noqday waan neefsaday. Dabadeed waxaan saartay kafee. Waxaan telefoon u diray hooyo oo aan ku iri:   ”Gurigaygii ayaan imid.”   Deriska ayaan albaabka ku garaacay. Waxaan u baxay magaalada oon soo adeegtay. Waxaan dareemayay inaan guriga joogo. Waxaan la kulmay waalidiin aan ilmaha mar wada dhalney waxaannuna ka sheekeeysanay sida xaaladdoodu tahay. Waxaan ka soo jeedaa Soomaaliya laakiin halka ayaa guri ii ah. Soomaaliya maxay ku dambeeyn? Waa iney ogsoonaadaan in cidda hoggaanka haysa ay doonayso in bulshadu wanaag ku sugan tahay. Laakiin waxaa jira dano kale iyo in xukunka la sii haysto. Laga hadli maayo bani’aadminimo iyo wanaagga dalka. Soomaaliya ma fahmi karo. Waxaa la laynayey oo la gowracayey dhallaankeenii illaa iyo bilowgii sannadihii 1990 illaa hadda.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above