Page 188

Codadkeenna, Sawirradeenna

Cali Cilmi, waxaan dhashay 1947 Waxaan Iswiidhen imid sannadkii 1986. Kuleylihii ayaan shaqo kalkaaliye dhaqaale ka helay cusbitalka. Maamulkii Siad Barre ayaa bilaabay inuu sannadihii 1970 sifeeyo koox ka tirsaneeyd qabiil gaar ah. Mid ka mid ah oo la qisaasay ayaan qaraabo la ahaa, wuxuu ahaa gaashaanle. Qaar badan oo qabiilkaa lagu tirinayey ayaa dabagal lagu sameeynayey. Waxaa jiray hirar dad ah oo dalka isaga qaxay. Markii hore waxaan tagay Keenya, dabadeed Ugaandha, kadib waxaan diyaarad u qaatay Itaaliya. Waxaan ku fekeraayay inaan u baqoolo Mareeykanka ama Kanada, laakiin wax jawaab ah kama aanan helin codsigeeygii magangelyo, laakiin wuxuu codsi ka yimid waqooyiga haddii aan ku fekeri karay Danmark inaan dego. Halkaa ayaan Iswiidhen ka soo aaday. Maxaa ugu wacan in Soomaaliya sidaa noqoto? Waa dhacdooyin taxaneyaal ah oo bilowdey 1969 kolkii uu milaterigu xukunka qabtay. Sannadihii ugu horeeyay oo Siyaad Barre uu xukunka hayay wuxuu qabtay is-bedello weli qaarkood ey muuqdaan. Wuxuu bilaabay qorista af-soomaaliga, caasimadda ayuu ka dhisay kaabeyaal dhaqaale. Wuxuu fuliyay ballamihii wixii ey dadku tabanayeen. Shantii sannadood ee ugu horeeyey waxaa ka soo muuqday wanaag. Waxaa laga guurey bulsho musuqmaasuq ah oo loo guurey hoggaan keligi taliye waddani ah. Kadib waxaa yimid dacwado la xiriira isku day inqilaab markaa ayaa la bilaabay in dad la sifeeyo. Waxay sababtay in gobollo ey ka bilaabmaan mucaarad. Kolkii ay soomaaliya ku guuldareeysatay 184 dagaalkii Itoobiya ee Ogaadeenya ayaa la bilaabey sifeen ballaaran.   Dagaalkaa dabadii ayuu aad hoos ugu dhacay kalsoonidii xukuummada. Si xukuumaddu u sii jirto waxay khilaafaad ka dhex abuurtay qabiillada. Kolkii ay dhacday xukuummaddii Barre waxaa jirey laba kooxood oo mucaarad ah oo aan aaminsanahay iney masuul ka yihiin waxyaabihii dhacay. Mid waxay ahayd jabhaddii Somali National Movement oo xorriyad u doonaysay Soomaaliland. Tan kale waxay ahayad United Somali Congress, oo uu hoggaaminayey generaal Maxamed Caydiid, oo Muqdisho gacanta ku dhigay. Waxaa lagu tallaabsaday safeeyn qabiil, waxaa la laayey oo la ugaarsaday dad. Barre wuxuu sidii shaxdii ugu ciyaaray qabiillada si uu awoodda u sii xajisto, laakiin waxay ahayd qidad aan wanaagsaneyn maadaama uu dagaalkii weli halkiisii ka sii socdo.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above