Page 187

Codadkeenna, Sawirradeenna

Maxamed, 27 jir Waa in mar walba lagu fekeraa in la baxsan karo. Haddii lacag la heeysto waxaa la gaari karaa xuduudda Keenya, Jabuuti ama Itoobiya. Haddii masiibo dhacdo mar kale waa in markiiba la guuro.   Dagaal la’aan waxaa loo noolaan karay si caadi ah, laakiin haddii uu gurigaagu holcayo wax aad ka qaban karto ma jiraan, xitaa haddii aad tacliin leedahay. Waa in marka hore nabad la helaa. Waa in la ixtiraamaa xuquuqda bani’aadamka.   Iswiidhen wax walba wey deggan yihiin in muddo ah. Halka waxaa ka jira dimoqoraadiyad. Wax macne ah sameeyn meeyso inaad tahay iswiidhish ama ajnabi, haddaad iskuulka tagto oo shaqeeysato waxaad heleysaa nolol wanaagsan. Waa middaa noloshu, waa tan laga hadleyo. Faatima Cabdi, 25 jir Waxaan Iswiidhen imid 2007. Soomaaliya waxaa markaa ka socday dagaal, jahwareer ayaa ka jiray. Lama ogsooneyn waxa berito dhici doona.   Waxaan rabaa inaan kalkaaliso caafimaad noqdo. Iswiidhen waa dal xor ah, adiga ayay kugu xiran tahay waxaad doonto inaad mustaqbalkaaga ka yeesho. Soomaaliya waxaa go’aanka kuu gaaraya dadyow kale. Bulshada halkaa ku dhaqan waa iney wadashaqeeyn sameeyso. Ma sameeyaan iminka. Wey dagaalamayaan. La isma dhageeysto. Dadka ayaa la liidaa. Dadka kale ayaa la waxyeeleeyaa si awood loo helo. Laakiin dhammaantayada waxaa na dhashay hooyo mana jiro shakhsi ka qiimo badan midka kale. 183


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above