Page 103

Codadkeenna, Sawirradeenna

Muxuu yahay fikirkaagu marka? Kufsiga tusaale ahaan. Jirdilku waa fal caadi ah. Hablaha waa la dilaa. Iyaga waa u caadi, uma aqoonsana inuu yahay fal jirdil. Dhaqankayagu waa mid xirxiran, lagama hadlo waxyaabahaa oo kale. Haddii laga hadlo waxaa la leeyahay: ”Iswiidhish miyaad iska dhigeeysaa, boliiska miyaad wicin?” Farqi uma dhexeeyo kuwa Iswiidhen muddo deggenaa iyo kuwa hadda yimid. Dhaqankii ayey weli ku dheggan yihiin kolka laga hadleyo hab dhaqankaa. Waxaa la ilaawin in Iswiidhen lagu korey. Habka ey u dhaqmeyaan waa dhaqankii hore. Dhaqankii soo jireenka ahaa ayaa ku dheggan, in gabadhu guriga joogto oo ilmaha xannaaneeyso.   Tusaale kale wuxuu yahay waxa wahab ama habbiso (depression) laga aaminsan yahay. Soomaalida lagama helo wax la yiraahdo wahab ama habbiso (depression). ”Xoogaa baad murugeeysan tahay dabadeed way hagaagin.” Taageero lama helo. Sidii wax waalan ayaa laguu arki. Dadku kula hadli mayaan. Aniga qudheeyda ayaa beri wahab ama habbiso (depression ) i qabtay. Si furan ayaan u sheegaa. Ficil celintii dadkii aan u sheegay ayaa noqotay: ”Maxay tahay sababtu, waxey un ku siin doonaan irbado iyo kiniiniyo oo aad dabadeed ku curyaameeyso.” Waa la iska aamusaa oo waxba lama sheegto. Qofku isagaa isku noqda, xanuunkuna wuu ka sii daraa. 99


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above