Page 102

Codadkeenna, Sawirradeenna

Amal Cabdi Xakiim, hoggaamiye dhallinyaro ururka Hidde Iyo Dhaqan Waxaan bilaabay howsha hoggaamiye dhallinyaro dayrtii 2013. Waxaan rajayn inaan jaamicad galo oon barto cilmiga bulshada. Iswiidhen waxaan imid aniga oo 3 jir ah. Waxaan deggeneyn Eslöv halkaasina ma joogin soomaali badan. Dabadeed waxaan u soo guurney Malmö markaa ayaan la kulmay qaar badan. Waxaan dareemayay inaan iswiidhish ahay soomaali fiicanna kuma hadlayn. Xijaab sidoo kale ma sidan.   Hadda waxaan timaha ku qarsadaa iskaaf. Waa hab ii gaar ah. Waxaan iraahdaa inaan leeyahay xijaab ii gaar ah.   Kuleeylihii 2000 ayaan Hargeeysa tagay, si aan u soo arko halka aan ka soo jeedo. Waxay igu noqotay jahwareer. Waxaan ahaa 11 jir. Xijaab la’aan iyo surweel ayaan ku socday. Dad badani kama aaney helin. Waxey ii sheegeen inay la mid tahay qaawanaan. Waxaa kaloo iga yaabiyay habkay u deggenaayeen, in aaney jirin derbiyo dhab ah. Ciid un bay ahayd meel walba. Waxaan markiiba dareemay inaan rabo Iswiidhen inaan dib ugu soo noqdo.   Aabbahay iyo hooyadayba waxey ka soo jeedaan Soomaaliland. Anigu waxaan ku dhashay Muqdisho, maadaama waalidkay u qaxeen dagaalkii dartii. Dadka qaarkii waa u xasaasi xiriirka Soomaaliya iyo Soomaaliland. Aniga iima ahan. Waqooyiga waxey doonaan iney goostaan. Haddii wadajirku dhibaatooyin ka badan uu keenayo waxaa wanaagsan in la kala go’o si aaney cid kale ugu dhiman. Laakiin Siyaad Barre wuxuu sameeyay waa wax waa hore dhacay, dadka maantana shaqo kuma lahan. Laga yaabee 98 in loo baahnaan lahaa in mar kale la isku dayo in la midoobo, waayo waxaa la dareemeyaa in dalku uu lumayo. Cid walba xorriyad iyo calan bay rabtaa. Dhowaan Soomaaliya la maqli maayo. Cid kale ayaa la wareegi doonta. Maxaa xiiseeysaa hoggaamiye dhallinyaro ahaan? Hablaha ayaan u welwelsanahay. Waxey u baahan yihiin warbixinno la xiriira xuquuqdooda ee dalkan Iswiidhen, si ey u ogaadaan halka ey tegi karaan haddii wax khaldamaan. Wax badan ayaa jira oo aaney ogsooneyn. Haddii wax ku dhacaan, ma garaneyaan wax ey sameeyaan.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above