Page 241

Codadkeenna, Sawirradeenna

Waxaa loo baahan yahay in la barto dhaqankaaga iyo dhaqammada kaleba. Waxaan u baahannahey inaannu baranno ciyaaraha iyo isdhexgalka.   Midda kale ee loo baahan yahay waxay tahay in Soomaalida ku dhaqan Isiiwdhen ay luuqadda dalka bartaan. Waa dhab iney soomaali yihiin, laakiin sidoo kale waa iswiidhish. Waa muhiim iney dhaqanka Iswiidhen wax ka bartaan maadaama ey bulshada la nool yihiin. Dalka ayey ka tirsan yihiin. Waa iney bulshada dhex galaan oo dadka ka duwan wax ka kororsadaan. Waa sida horumarka lagu gaaro.   Kolka ay carqalad ila soo gudboonaato waxaan u ciishadaa muusikada. Waa sababta aan daryeelka muusikada wax ugu daweeyo. Waxaan qoray heeso isku dhafan oo isugu jira soomaali iyo ingiriis, waana mid suurtagal ah in la sameeyo heeso soomaali iyo iswiidhish isugu jira. Waa in dhallaanka lagu dhiiriyo dalkooda. Iswiidhen waa qabow, laakiin waxaa looga baxsan karaa in dhar wanaagsan laga xirto! In la barto dhaqanka iyo cunnada iyo is dhexgal in loo sameeyo hab xiiso leh, waa habka waxtarka u yeelan kara mustaqbalka. Soomaalida Iswiidhen ma noqon doonaan oo keliya soomaali. Haddii ey maalin un Soomaaliya dib ugu laabtaan waxey sidoo kale noqon doonaan Iswiidhish.   Markii aan yaraa waxaa burburay dalkaygii. Mid ka mid ah saaxiibaday ayaa i soo wacday oo ii sheegtay in qoyskeedii oo dhan uu ku baxsaday doon badwaynta ku degtay. Calool xanuun ayaa igu dhacay kolkii aan maqlay. Waxaan markaa kadib go’aansanney labadayadiiba inaan gacan u fidino cid walba oo ka badbaaday. Waannu noolahey marka waa inaan wax ka qabanno oo gacan ka geeysanno. Kolka aad muusik kula shaqeeynayso ilmaha waxaad kollay gudbisaa nooc farxad iyo rajo ah? Xaqiiqdii, haa. Dhallaanku waxey ku wanaagsan yihiin iney u dhega nuglaadaan wixii wanaagsan. Waa in ilmaha mar walba la soo dhoweeyo oo gacan loo fidiyo. Adduun aad u qiime badan ayaannu ku dhaqannahey, laakiin mararka qaarkood waa lagu dhibaatoodaa. Waa lala dhici karaa mararka qaarkood kolkii baskiil la kaxeeysto. Cadceeddu waa qurux, laakiin mararka qaarkood roob baa da’a oo kolkii uu roob da’o waa in lagu fekero in qoorraxi soo bixi doonto. Dareenkaa ayaan isku dayaa inaan gudbiyo: maanta wanaag la dareemi maayo ayaa dhici karta, laakiin berrito ayay wanaagsanaan. Berrito waa maalin kale.   Aniga qudheeyda ayaa helay suurtagal labaad, qoyskeeygii dib ayuu u midoobay. Waan guursaday, tacliintaydii ayaan dhammeeystay, ilaah wiil wacan buu i siiyay, waxaan leeyahay saaxiibbo wanaagsan. Waxaan ka dhabeeyay riyadeeydii aniga oo u maray dhanka muusikada. Markaan indhaha ka qaado ilmaha oo muusik ku ciyaaraya aad 237


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above