Page 240

Codadkeenna, Sawirradeenna

Maxay ka siman yihiin korriimmadaadii iyo midda dhallaanka maanta ee Soomaaliya? Wax walba way lumeen. Waxaannu lahayn xaflado kala duwan, sida abuur go’a, labadii 236 biloodba mar xaflado ayaa lagu qaban jirey waddooyinka. Gobollada kala duwan ayaa soo bandhigi jirey ciyaarahooda kaladuwan iyada oo wiilasha iyo gabdhuhu wada ciyaari jireen. Gabdhuhu si xorriyad leh ayey u socon jireen, ciyaaraha ayey aadi jireen oo nabad uga soo noqon jireen iyaga oo aan waxba ka baqin. Habkaa ayey wiilasha iyo gabdhuhu ku kulmi jireen. Abbahey iyo hooyadey waxey ku kulmeen ciyaar. Ayeeyo waxay awoowe kula kulantay ciyaar. Maanta ma dhacdo. Marka ciyaaruhu waxey ahaayeen Soomaaliya hab lagu kulmo? Xaqiiq. Aabbahey wuxuu gabadha walaashiis ah u kaxeeyn jiray tartammada ciyaarta ee wiilasha. Haddii ay ku guuleeysato wuxuu u soo iibin jiray diric! Iminka waxay eedaday oran kartaa:   ”Maxaad u ciyaaraysaa?”   Waa ay iloowday sidii ay ahayd waagii ay yareeyd oo uu walaalkeed u kaxeeyn jiray ciyaaraha. Aabbahay wuxuu suurtagal u siin jiray walaashii inay wiilasha la kulanto. Iminka waxey wiilashu ka hor istaagaan gabdhaha walaalahood ah iney farxad ku ciyaaraan. Waa arrin murugo leh oo laga xumaado. Kaalintee buu dhaqanka ka ciyaaraa shaqada aad London ku hayso? Carruurta aan la shaqeeyo London waxaa ku jirtay gabar 7 jir ahayad oo aad u buurnayd. Hooyadeed ayaa iskuulka geeyn jirtay oo ka soo dooni jirtay. Guriga way fadhin jirtay oo wax un cuni jirtay. Saddex bilood dabadeed waxay dhumisay cayilkii in ka badan saddex daloolow mid. Horraantii safka gadaal ayay ka geli jirtay waxaana marar badan qaban jirtay neef, ay ugu wacnayd cabsida welwelka leh. Muddadii ay daweeynta ku jirtay ayay wax badan sawirtay iyadoona qayb ka noqotay koox masraxa oo ay safka hore istaagto iminka. Muddo ayay qaadatay sidii hooyada looga dhaadhicin lahaa inay dhakhtar geeyso. Way ka xishoonayeen.   Soomaalida dhexdeeda lagama hadlo cudurrada iyo waxa ay tabayaan. Way qarsadaan. Haweenay ayaa qarsatay cudrkii kaankarada. Waxaan kaloo la kulmay haweenay lagu sheegay hiv iyada oo da’ yar oo cusbitalka ka codsatay inaan la sheegin maadaama uu wiilkeedu haddii kale heli doonin xabaal wanaagsan. Wadaad ayaa ku yiri in aan maydkiisa la keenin masaajidka. Aqoondarro ballaaran ayaa jirta.   Haddii la ogyahay cidda aad tahay waad ku faani kartaa. Guul ayaa la gaari karaa. Dareen wanaagsan ayaa la yeelan. Ilmaha waxaa ku dhacaya jahwareer haddii lala guurguuro oo aaney heysan wax ay ku dhegaan. Waxay waayayaan aqoonsi lagu garto.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above