Page 85

Codadkeenna, Sawirradeenna

81 Qoob ka ciyaarka soomaalida Qoob ka ciyaarka hiddaha iyo dhaqanka soomaalida ayaa macne leh rajo, farxad iyo xiisa ballaaran ugu fadhiya nolol maalmeedka reer guuraaga. Waxaa jiraa boqolaal ciyaarood oo soo jireen, loo ciyaaro siyaabo kala duwan oo ey leeyihiin qabiillada iyo deegaannada kala duwan. Ciyaaraha ayaa ku kala duwanaan kara magaalooyinka iyo tuulooyinka. Waxaa la ciyaari jirey kolka la murugeeysan yahay, aan camal la heyn ama la xafladeeyneyo.   Inta lagu guda jirey qorshaha EREB ayey dhallaanka iyo dhallinyaradu barteen saddex nooc oo qoob ka ciyaar:   Dhaanto waa ciyaarta ugu caansan Soomaaliya. Koox ayaa loo ciyaaraa, wiilal iyo gabdho ah, waxay leedahay hab-dhac u gaar ah oo u dhigma muusikada jameeykaanka ee reage. Dhaantada waxaa la ciyaaraa aroosyada iyo xafladaha waaweyn. Markii hore waxaa laga ciyaari jirey baadiyaha, laakiin iminka waxay dhaantadu u noqotay soomaalida dibbadaha ku dhaqan mid caan iyo casri ka ah. Kolka la soo bandhigeyo ciyaaraha dhaqanka soomaalida ayaa dhaantada inta badan la ciyaaraa.   Sharrax waxaa ciyaara haweenka iyo gabdhaha inta badan, waxayna caan ka tahay koonfurta Soomaaliya.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above