Page 76

Codadkeenna, Sawirradeenna

Maxamed Yaasiin, hoggaamiye dhallinyaro ee ururka Hidde Iyo Dhaqan Waxaan ku dhashay Muqdisho sannadkii 1980, laakiin waxaan aniga iyo hooyaday markiiba u soo safarney Hargeeysa oo uu aabbahay uga shaqeeyn jiray dawladda. Wuxuu ahaa madaxa ciidammada xuduudaha iyo dekedaha ee Soolmaaliland iyo Puntland. Wuxuu 72 lahaa awood ballaaran. Dadka oo dhamina wey ogaayeen cidda awooddaa oo kale leh.   Waddammada Afrika jagadaa oo kale faa’iidooyin badan ayaa lagu helaa. Sharciga ayaan qaban. Taa macnaheedu maaha inaan sharciga la raacin, waxay ku xiran tahay korriimadaadii hore. Laakiin waxaa jirey dadyoow xeerarka garab mari jirey maadaama aabeyaashood ey hayeen jagooyin sarsare. Waxey u dhaqmi jireen sidii ey doonaan.   Mid kale waxay ahayd in kolkii gabalku dhaco oo bandooga aaney cidina socon karin, dukaammadu wada xiran yihiin ey madaxda iyo reerahoodu suuqa mushaaxi kareen. Waxaan xasuustaa inaan u tagi jirney qaraabada annaga oo uu na wado dareewal gaar ah. Annaga iyo askarta kontroollada joogta ayun baa Hargeeysa bannaannada ku sugneeyn. Carruunimadii ma garansaneeyn waxaa. Waan ka heli jiray un.   Waxaa la oran karaa inaan nolol wanaagsan aan ku dhashay. Waxaannu lahayn guryo waaweyn oo beero leh oo dalka meelo kala duwan kaga yaaley. Aabbahey ayaa wakhtiyo kala duwan iibsaday. Gurigayagii Hargeeysa wuxuu ahaa mid wayn oo leh beer wayn iyo dhirta babaayga iyo dhir kale. Waxaa la dhisay xilligii isticmaarka Ingiriiska,. Hase yeeshee dawladda ayaa la wareegtay. Guriga hortiisa waxaa ku yiilay guri yar oo mar walba ey askar ku sugnaayeen. Mararka qaarkood waxaa iman jirey marti waaweyn, waana la ilaalin jiray aabbe. Laakiin wuxuu isagu jeclaa inuu jiibtiisa (baabuur) keligii iska wato, sida aan xasuusto.   Dawladdu waxay cadaadis saartay bulshadii waqooyiga, hase yeeshee xiriir kale ayuu isagu la lahaa bulshadaa. Si ka duwan ayuu ula dhaqmi jiray bulshadii halkaa ku dhaqneeyd marka loo barbardhigo madaxdii kale, waana midda na badbaadisay kolkii jabhaddu qabsatay Hargeeysa. Dawladdu waxay dabagal ku sameeysay qabiillada damacsanaa iney ridaan dawladda. Nasiibdarro annaga qudheennu kuwaa ayaan ka dhalaney. Hase yeeshee aabbahay marna kama shakin maamulkii Siyaad Barre.   1988 waxaan ahaa siddeed jir oo hal sano ayaan iskuul dhigtay. Waxaa biloowday dagaalkii waqooyiga. Waan xasuustaa habeenkuu bilowday. Wax yar ayaan daaqadda furay oo daahii dhinac u jiiday cirka waxaa sannad cusub u ekeeysiiyey madaafiicdii dhaceeysay. Toddobaad ayaan ku sii sugneeyn halkaa oo xaaladduna ka sii dareeysay. Waxaa


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above