Page 73

Codadkeenna, Sawirradeenna

Iskuulka markaad ka baxday maxaa dhacay? Iskuulka iyo shaqadii qaran dabadeed waan guursaday oo waxaan dhalay afar carruur ah. Saddex carruurteeyda ka mid ah iyo ninkaygii waxaa ku dhacay madfac intii dagaalku uu socday. Gabar keliya ayaa ii hartay. Way yareeyd kolkii uu dagaalku ka bilowday Soomaaliya. Maanta 30 jir ayay kor u dhaaftay. Wiil ayay leedahay oo waxay deggen tahay Stockholm.   Dhallaanka soomaalida ee ku korey Iswiidhen war kama hayaan siduu dalkoodu ahaan jiray. Kama war qabaan inuu shaleemooyin, goobo caweeys iyo maqaayado lahaan jiray. Ma ogsoona in dadku is jeclaa oo aanu qabiilku qiime sidaa ah ku fadhin. Saaxiibada laguma dooran jirin qabiil. Wiilasha iyo gabdhuhu wey sinnaayeen. Waxaa jirey iskuullo, dadkuna wey shaqeeyn jireen; waxay ahayd bulsho shaqeenaysa.   Dhallaanka Iswiidhen ku dhaqan markaan u sheego wey fajacaan. Waxey caadeeysteen sawirrada ey tv-ga ka arkaan. Meel qarax ah, guryo burbursan, dagaal. Ma ogsoona inay jirtay bulsho caadi ah. Maxaa Soomaaliya burburiyay? Midda ugu wayn ee burburisay waa qabyaaladda. Waxaa kaloo soo baxay kooxo xagjir ah. Kolkii uu mabda’ii qabiilku shaqeeyn waayay ayey kooxo isu tageen oo ey abuureen koox xagjir ah, sida al-shabaab, waxey isku dayeen iney awoodda sidaa ula wareegaan. Al-Shabab waxay matali karaan qabiilkii la doono, waxay ballan qaadeen iney xasilooni soo celin doonaan iyo rabitaanka Alle lagu hogaamiyo. Xeeladdoodu waxay ahayd inay abuuraan hoggaamiye oo dawladda la dagaalama oo ay bulshadu raacdo.   Habka keliya ee Soomaaliya nabad loogu soo celin karo waa in qabyaaladda la baabi’iyo. 69


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above