Page 45

Codadkeenna, Sawirradeenna

ee bulshada oo u badnaa shacab: Haween, waayeel, dhallaan. Soomaalidu iyaga ayaa is burburiyay. Halkii ay dawlad dimoqoraadi ah ka dhismi lahayd dawladdii Barre dabadeed ayuu khilaaf xoogani bilowday, halkaasina oo shacabkii uu ku wax yeeloobay. Maamulkii keligi taliska ayey bedeleen dagaal oogeyaal.   Waxaa dalkii kala qoqobey hoggaamiyeyaal qabiil oo adeegsaneya ganacsato iyo qafaaleeysato hubeeysan. Waxey iskala soo horjeedeen dagaallo, is kaashanayeen si ey mar kale isugu soo jeestaan. Xaaladda aan sugneeyn ayaa dhalisay jahwareer gudo iyo dibadba. Bilowgii sagaashameeyadii ayay cid waliba hubeeysnayd. Dhallinyaro ayaa waddooyinka ku watay gawaari hubeeysan, waxaa la laayey kumanaan ruux, in ka badan ayaa ku dhaawacantay ama ka qaxdey. Waxaa la burburiyey Muqdisho oo ahayd mid ka mid ah magaalooyinka ugu qorxoon ee Afrika. Burburkii wuxuu horseeday macaluul ey dadku sabab u ahaayeen; qaar badan oo ka mid ah dhulkii beeraleyda ayaa noqday goobo ey jabhaduhu ku dagaalamaan. Waxaa la laayey beeraleydii, oo ka qaxey ama ku khasbanaadey iney dhinac kooxaha hubeeysan raacaan. Cunnadii mucaawinnada ayey dhaceen kooxihii qabiilladu. Bulshada caalamka ayaa ka dhiidhidey sawirradii abaaraha, hase yeeshee waxaa adkayd xaaladda Soomaaliya iyo ammaanka. Wuxuu ahaa dal maamul la’, dhibaatooyin ka jiraan, aan la saadaalin karin oo dhan walba colaadi ka aloosan tahay. Waxaa adkayd in mucaawinno la gaarsiiyo. 41 Maraakiibtii cunnada siddey ayaa la weerarey intii aaneyba dekedaha gaarsiin.   Sannad iyo bar dabadii kolkii ay dagaalladu biloowdeen 1992 ayuu golaha ammaanka ee Qarammada Midoobey go’aansaday in ciidammo nabad ilaalin oo 3 000 ah loo diro Soomaaliya. Si dhakhso leh ayay u soo baxday in aaney ku fileeyn. Lix bilood dabadeed ayuu golaha ammaanku go’aamiyay in faragelin ciidan lagu sameeyo. 600 oo suxufi ayaa ka degey si ey xaqiiqda wax uga soo tebiyaan, kolkii ey ciidammadii mareeykanku ka degeen xeebaha Muqdisho saqdhexe. Askar gaarsiisan 25 000 oo mareeykan ah ayaa qayb ka ahaa qorshaha.   Maamulka Qarammada Midoobey iyo Mareeykanka ayaanan fahmin xaaladda cakirna ee Soomaaliya. Kooxaha qaarkood ayaa ciidammada ajaaniibta u arkayey qabiillo kale oo tartan kula jira.   Bishii oktoobar ee 1993 ayaa la soo ridey laba helikobter oo mareeykanku lahaa. 18 askari ayaa ku naf waayey, iyada oo qaar ka mid ahna meydkooda waddooyinka Muqdisho lagu dhex jiidey. Isla dhacdadaa ayaa lagu diley boqolaal soomaali ah. Dhacdooyin lagu soo xasuusan karey dagaalkii Fiyetnaam, dhacdadaasina oo uu qaadan waayey maamulkii cusbaa ee Bill Clinton, oo amar ku bixiyay in soomaaliya ciidammada lagala soo baxo.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above