Page 34

Codadkeenna, Sawirradeenna

hanno hore iyo juquraafiyahanno u dhashey waddammada carabta ayaa ku sifeeyey soomaalida dagaal yahaniin si tartiib tartiib ah ugu socdaala galbeedka xeebta illaa Itoobiya iyo dhanka koonfureed dhulka hadda loo yaqaanno Keenya. Xitaa haddii bulshada carrigaa ku dhaqanayd lagu sheegay inay reer guuraa ahayd ayay haddana kula ganacsan jireen ganacsatadii carabta iyo beershiyanka magaalooyinka xeebaha. Kafee iyo adoommo ayaa lagu bedelan jirey dhar iyo bir. Muddo ka sii horeeysay ayey masaaridii hore u socdaali jireen dhulka. Magac sii horeeyay ee maamul boqortooyo oo iminka dhaca xeebta soomaalida ee badda Cas, si ey uga ganacsadaan foox iyo luubaan, waxyaabaha oogada la mariyo ee lagu isku carfiyo, daayeer, haramcad iyo dahab. Raggii ku noolaa Punt oo qaab ahaan u eg soomaalida maanta ayaa sawir laga sameeyey 1500 sannadood horteed dhalashadii nebi ciise oo lahaa gar u dhigna kuwii ey lahaayeen ilaahyadii Masar. Macbadda Xabsatshuut ee Daar el Baxri ayuu yaalaa taariikh mid ka mid ah safarradii ugu waaweynaa ee lagu tagay dalka Punt.   Dhulka iminka dhaca waqooyi bari ee Soomaaliya wuxuu hoos iman jiray boqortooyadii 30 Aksum qiyaastii 300 iyo afar boqol oo sannadood oo ka dambeeyey. Diinta islaamku waxey soomaaliya ka soo gaartay carriga caraabiya qarniyadii 700, 800, oo ey soo gaarsiiyeen dadyoow qax ku yimid iyo sidoo kale ganacsato iyo bad-maax. Maamulladii carabta waagaa ka jirey ayaa xiiseeynayey sidii ey shabakado xiriirro loogu magacdaray pax islamic uga sameeysan lahaayeen waddooyinka badda mediteriyanka iyo midda cas. Sannadkii 900 ayaa aasaaska loo taagey magaalada Muqdisho, middaasina oo noqotay caasimaddii dhaqanka iyo diinta ee sawaaxiliga.   Muddo intaa ka horeeysay ayay magaalada Saylac deked lagu nagaado u ahayd ganacsatada reer masar, jasiiradda caraabta. Ganacsatadii beershiyanka ayaa sannadihii 800 iyo 900 soo degey magaalada xeebta. Qarnigii 1400 iyo 150 sannadood oo ka dambeeyey ayey bortaqiisku ku xooganaayeen xeebaha Soomaaliya. Dhammadkii sannadihii 1600 oo awoodda carabtu hoos u sii dhacaysay ayey ciidammadii Cumaan dhowr sannadood xoog ku haysteen magaalada Muqdisho. Intii u dhaxeeysay sannadihii 1800 illaa bartamihii 1900 ayuu maamulkii Masar ka jiray isku dayay inuu abuuro qaran carbeed oo Soomaaliya ka mid tahay, hase yeeshee aanu maamulkaasi haysan awooddii dawladihii Yurub ee tartanka kula jirey. Qiimeeynta dhaqammada, siyaasadda iyo luuqadda soomaaliga ayaa iska caabiyey sidii saameeyn loogu yeelan lahaa muddadii dheerayd ee xiriirka ey la lahaayeen ummadaha carabta. Muddadaa ayaa la gaarey heshiisyo dhowr ah oo dalka lagu qeeybsaneyo, hase yeeshee soomaalidu ku guuleeysteen sidii ey uga badbaadi lahaayeen.   Dhaqammadii adoonsiga carabta iyo isticmaarkii reer Yurub ey kula kaceen wadd


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above