Page 26

Codadkeenna, Sawirradeenna

Wiilo Yuusef Dhacdadan waxay dhacday kolkii aan siddeed jirka ahaa oo aan dhiganayey dugsiga quraanka.   Saaxiibaday ayaa iiga sheekeeyn jirey aflaanta hindiga, anigu weligay ma arag. Waalidiinteen 22 iyo macallinka quraanku ma jecleyn inaan filin galno. Jimcooyinka oo fasax la yahay ayey saaxiibadey u dhuuman jireen filinka. Waxey tigidho ku iibsan jireen lacagta loo siiyo jalaatada iyo nacnaca. Waxaan waydiiyay iney ku jiraan cid iyadu filimmadaa gashey, waxey iigu jawaabeen iney badankood galeen. Ma ahayn in cid kale loo sheego.   Goobaha filimmada lagu dhigo waxey ahaayeen goobo aan jeclaan lahaa inaan booqdo, laakiin waxaan ogaa inaanu aabbahay ii ogolayn. Sababtuna waxay ahayd iney goobtaa tegi jireen burcad (tuugo), sidaa daraadeed ayuu aabbe u diiddanaa in la tago. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan waydiiyay inuu i siiyo lacag aan nacnac iyo jalaato ku iibsado. Wuxuuna igu yiri:   ”Waa tan lacag, hase yeeshee ma doonayo inaan maqlo inaad filin ku gashay.”   Waxaan ugu jawaabay:   ”Maya, aabbe, markaan dukaanka ka imaado waxaan markiiba aadin dugsiga quraanka.”   Maalintaa waxaan go’aansaday inaan dugsiga u gooyo. Waxaananse ka war qabin in maalintaa uu aabbe go’aansaday inuu dusiga quraanka booqdo si uu u ogaado dadaalkayga iyo halka aan quraanka ka marayo. Markuu dugsiga tagay wuxuu markiiba waydiiyay aniga, hase yeeshee macallinka ayaa u sheegay inaanan joogin. Aabbahay wuxuu qiyaasay halka aan aadi karay oo wuxuu markiiba aaday goobtii aflaanta.   Filinkii oo socda ayuu soo galay oo uu ku qayliyay:   ”Aaway Wiilo, aaway gabadhaydii?”   Waxaan go’aansaday inaan kursiga hoostiisa ku dhuunto. Wuxuu markiiba yimid kursigii aan ku hoos jiray oo markii uu mar labaad magacayga ku qayliyay ayaan qosol is hayn waayay. Wuu i maqlay oo lugtayda inta qabtay i soo jiiday. Indhihiisa ayaa xanaaq la guduutay oo isagoo dhegta i haya filinkii iga saaray. Waxay middaa ka dhacday Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above