Page 228

Codadkeenna, Sawirradeenna

Dahabo Khayre, 63 jir Waa taariikhdayda. Waxaan ku barbaaray baadiyaha. Qayskayagu wuxuu lahaa boqolaal 224 geel ah aniguna waxaan raaci jiray nirgaha (geela yaryar) halka ey aabbe iyo hooyo raaci jireen geela intiisa kale.   Siddeed jir ayaan ahaa kolkii ay mid ka mid ah halaha aannu laheyn ay dhashay neef. Intii aaney dhalin waxay ahayd hal miskiin ah waxaana aan u maleeyay inay sideedii un tahay. Laakiin kolka haluhu ilmo leeyihiin waa in laga digtoonaado. Qaar badan waxay noqdaan khatar. Aniguse kama aanan war qabin, waxaan keliya oon aan ku fekeray sida uu neefka yari u qurux badnaa. Waan u tagay oo aan salaaxay, markaa ayay hooyadeed gadaal igagaga soo baxday oo ay isku dayday inay i cunto. Markii hore gacantay iga qaniintay aniguna waan qayliyay:   ”I caawii, maxaa ku dhacay hashan?”   Markaa dabadeed ayay dhowr jeer igu istaagtay, mar kale iyo mar kale.   Sanka iyo labada gacmood ayaan dhowr meel ka jabay. Waan suuxay oo cabbaar iilay lugaha hasha dhexdooda. Deriska mid ka mikd ah ayaa soo baxay oo uu ku argagaxay. Wuxuu ii qaaday magaaladii iigu dhowayd. Basas iyo taksi midna ma jirin, ee wuxuu igu qaaday mid ka mid ah geeliisii. Ma aanu garanayn sidii uu ula xiriiri lahaa qoyskeeygii, waayo telefoon ma aanu jirin.   Wuxuu i geeyay oo iiga tagay isbitaal ku yaalay magaalada Beledwayn, halkaasina oo dhakhaatiirtii talyaaniga ee ka shaqeeynayey igu daweeyeen. Hooyo iyo aabbe waxey yimaadeen fiidkii iyadoona tuulada lagu hadal hayay inaan sakaraad ahay. Waalidkay ayuu naxdin wadnaha la istaagi gaaray. Waxey yimaadeen magaaladii si ey isbitaalka iigu soo booqdaan. Markaasoo uu caafimaadkaygu ka wanaagsanaaday. Hooyo ayaa i fiirisay oo tiri:   ”Waa nasiib wanaag inaad nooshahay. Adigu waxaad tahay gabadha keliya oo aan ilmo ka leenahay.”   Dhacdadaa dabadeed ayuu reerkeennu go’aansaday inaan magaalada Beledwayn la dego adeerkay. Lix bilood dabadeed waxaan bilaabay iskuul. Waxaan waalidkay soo booqan jiray xilliga fasaxyada iskuulka lagu jiro, oo markaan 17 jirsaday ayey aabbe iyo hooyo nasiib wanaag ey mataano u dhasheen, wiil iyo gabar. Markaa ayey iibiyeen wixii geel ey lahaayeen oo guri ka iibsadeen magaalada, halkaasoona aan iyaga u wareegay. Waan jeclaa geeleenna, laakiin dhacdadaa dabadeed waan ka baqi jiray xoolo oo dhan.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above