Page 222

Codadkeenna, Sawirradeenna

Luul Cali Xasan Ninkaygu wuxuu deggenaansho Iswiidhen ku helay sannadihii 1980. Wuxuu ahaa 18- 19 jir kolkii uu dalkan yimid, aniguna waxaan dabadeed ku imid mideeyn qaraabo. Waxaan ahaa 16 jir kolkii aan is guursaney. Annaga ayaa is helney, wuxuu ahaa jacayl. Sidaadaraadeed ayaan reerkeeygii uga soo socdaalay oo dal fog ugu soo socdaalay. Toban illaa iyo 15 sannadood ayaan ku fekerayay inaan reerkaygii ka imid, laakiin maanta waan ku faraxsanahay. Waxaanan leeyahay afar carruur ah.   Waxaan ku dhashay Beledwayne, laakiin aabbahey wuxuu ka shaqeeyn jiray xiriirka telefoonnada meelo kala duwan ayaannu u guurguurney oo markaan Muqdisho nimid waxaan ahaa ilmo sabi ah. Afar jir ayaan ku bilaabay dugsiga quraanka. Waxay ahayd muhiim, markii shan jir la ahaa waxay ahayd in quraanka af-carabi lagu akhrin karo. Markaan toddoba jir ahaa ayaan iskuulka bilaabay. Siddeedaad markaan ka baxay ayaan Qaahira aadey oo aan ku soo bartay kalkaaliye caafimaad. Waa halkaa meesha aan ninkayga ku kullaney. Markaan tacliinta dhammeeystay waan noqday waxaanan ka shaqa bilaabay bukaansocod ku yaala Muqdisho. Sannad ka dib waxaan u soo guuray Iswiidhen. Siday ahayd nolosha Muqdisho? Waxay ahayd midda ugu wanaagsan. Dhaqan ahaan gabdhuhu ma aadi jirin shaleemada, 218 laakiin markaan 12 jiray oo aan dib jirka ahaa ayaan tegi jiray. Wax lala yaabo maahayn, ayaan aaminsanaa. Markaan Iswiidhen imid farqi sidaa u wayn iilama muuqan, laakiin dadka hadda yimaada farqi ballaaran ayaa u dhexeeya. Xorriyad ayaannu heysaney waagaa. Waxaan u labisan jirney sidaan rabno. Googarad ayaan qabnay. Shaal ma qaadan jirin. Diinta xor ayaa loo ahaa. Waxaannu ahayan sida dhallinyarada Iswiidhen; dibadda ayaannu aadi jirney, suuqa ayaannu tegi jirney oo soo marmari jirney dukaammada oo dhan oo soo carfin jirney barfuunnada. Dharka ayaan tijaabin jirney. Saaxiibbadeen ayaan dibadda la joogi jirney waalidkuna waxey noogu yeeri jireen cunnada. Ciyaar badan ayaan ciyaari jiray markaan yaraa. Waxaan qaatay batante baabuur.   Markaan Soomaaliya tagay 20 sannadood dabadeed waxaan ahaa qof qalaad. Noloshayda waynaanta waxaan ku qaatay Iswiidhen. Halka yaraantaydii aan ku soo qaatay Soomaaliya. Ma ogsoonayn halka aan ka tirsanahay. 2005 ayaan reerkaygii kula kulmay Muqdisho, hooyaday weli way noolayd. Waxaan ku xiriiri jirney telefoon maalin walba,


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above