Page 217

Codadkeenna, Sawirradeenna

Shamis Jamaal Waxaan ku dhashay magaalada Nayroobi ee dalka Keenya 1993, halkaas oo ey waalidkey shirkad yar ku lahaayeen. Waxaan deggeneyn xaafad ey soomaalidu ku badneeyd.   IlIaa iyo yaraantaydii waxaan ku hamin jiray inaan macallin noqdo. Inaan Soomaaliya aado, oo aan weligay arag maadaama waalidkey ey ka soo qaxeen dagaalka. Dabadeed waxey yimaadeen Iswiidhen. Waxey ula muuqatay suurtagal in carruurtoodu ey wax ku baran karaan iyo sidii ey nolol wanaagsan ugu dhisan lahaayeen mustaqbalka.   Soomaaliya waa waddan fakhri ah, kama uu jiro maamul shaqeeynaya qaar badanna waa musuqmaasuq. Noloshu way ka sahlan tahay halkan waxaannuna helney nool ammaan ah. Waxaannu helney suurtagallo aaney helin qaraabadeenii Keenya iyo Soomaaliya joogtey. Waxaan dhammeeyay dugsiga sare dhowaantanna waxaan bilaabi doonaa 213 jaamicad. Maxamed Cawil, 20 jir Shan jir ayaan ahaa kolkaan Soomaaliya ka soo qaxney. Jahwareer ayaa halkaa ka jiray. Waxaa loo baahan yahay hoggaamiye xisbi oo wanaagsan iyo xisbiyo la kala doorto. Cid walba waa inay fikirkeeda sheegato. Iswiidhen ayaan joogin inta Soomaaliya ka hagaageeyso.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above