Page 215

Codadkeenna, Sawirradeenna

Faadumo, 27 jir Si Soomaaliya caadi ugu soo noqoto waa in la helo dhallinyaro dibadaha wax ku soo bartey. Dawladda waxaa xubin ka ah rag da’ ah oo ka hadleya qabiil iyo wax la mid ah. Dhallinyaradu xorriyad un bey dooneyaan oo inta badan xiise uma hayaan qabyaaladda. Waa ragga kuwa dagaalama. Haweenku guryaha ayey fadhiyaan oo waxba ma qaban karaan. Waxaannu lahaan jirney iskuullo ey wiilasha iyo gabdhuhu wada dhigan jireen, xitaa dagaalku markuu bilowday. Lakiin kolkii ey al-Shabab iyo kooxihii kale ee islaamiyuuntu yimaadeen ayey waxyaabo badani is bedeleen. Iminka waa in habluhuna dhinac fariistaan wiilashuna dhinac.   Sidaasoo ay tahay rajo ka wayn middii hore ayaan leenahay iminka. Dad badan ayaa ku fekereya iney dib ugu laabtaan oo ka shaqeeyaan oo gacan ka geeystaan. Dadkii qurbaha ku noolaa ayaa dib ugu laabtay oo ka furtay maqaayado iyo ganacsi. Waxaa jira kooxo ciyaaraha iyo muusikada. Fannaaniin Yurub ka yimid ayaa soo booqday oo heesay.   Wey na tabayaan annaguna waan tabeynaa. Weysu baahannahey. 211


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above