Page 208

Codadkeenna, Sawirradeenna

Dadku maxay ku sharraxaan in Soomaaliya sidan ku dambeeyso? Sababo aad u fara badan ayaa lagu sheegaa. Waxaa loo saariyaa kooxo kala duwan. Jawaab dhab ah lama hayo. 1991 ayay dawladdii dhacday waxaana ka dambeeyay kacdoon 204 iyada oo loo arkayey iney jiraan qabyaalad iyo caddaalad darro. Laakiin laguma guuleeysan in la helo dawlad loo dhan yahay. Waxay horseeday in dagaal oogeyaal iska soo horjeeda isku dayeen iney hoggaamiyeyaal noqdaan. Waxaa ka dambeeyay kooxo islaamiyiin ah oo doonayey in diin dalka lagu hoggaamiyo. Rajo miyaad dareemeeysay intaad halkaa joogtay mise is heeysiga qabaa’illadu waa mid joogto ah? Waxay ku xiran tahay halka aad joogto. Meelaha qaarkood waxaan dareemayay rajo aad u wayn. Waan warwareegay oo aan xaqiiqsaday in aaneyba joogin cid hubeeysan. Meelaha qaarkoodna sidaa uma hormarin.   Laakiin waxaan u maleyn in maalin un ay wanaagsanaan doonto. Waa inaan u halganno middaa, oo dhammaan aan xil iska saarno, oo aan lagu deyn un kuwa halkaa deggen ee annaga soomaalidayada qurbaha joogta qudheenna. Maxaa ugu muhiimsan? Haddii tacliin ey helaan waxay dadku isticmaalin qalinka halkii ey qori ka isticmaali lahaayeen. Haddii koboc dhaqaale la helo waxaa joogsanaya dagaal, is qabqabsi iyo dhibaatada. Dhallinyaro badan waxaa loo jitaa argagixisnimada, ma ahan iney xiiseeyaan caqiidadooda, laakiinse ey dooneyaan oo keliya nolol maalmeedka. Haddii mushaar la siiyana waxey taakuleeyn karaan qooysaskooda. Waa calooshooda u shaqeeysteyaal. Xijaab miyaad ku xiran jirtay Soomaalia? Haa. Soomaaliya waa dal muslim ah, dadka badankoodna xijaabka ayey qaataan. Anigu waxaan go’aan ku gaaray inaanan qaadan kolkaan dalkayga Iswiidhen joogo. 20-25 sannadood hortood ma aaney jirin dad badan oo xijaab qaata. Markaa waxay ahayd kala doorasho dadka badankoodna waxey doorteen in aaney xiran. Siad Barre ayaa soo jeediyay in gabdhaha laga mamnuuco xijaabka iskuulka dhexdiisa, laakiin sannadahan dambe waxey noqotay khasab. Haddii aan Soomaaliya aado oo aanan xijaab xiran cawaaqib ayaa ka imanaysa. Waxaa i qabsan lahaa odeyaal badan oo gar cad, oo guriga iigu yimaada si ey iigala hadlaan hab dhaqankeeyga.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above