Page 184

Codadkeenna, Sawirradeenna

Jaamac Xasan Bulxan Waxaan ku dhashay, kuna barbaaray magaalada Gaalkacyo sannadkii 1971. Waalidkay waxay ahaayeen dad iska caadi ah oo lahaa xoolo, geel yo ido. Carruurnimadii waxaan inta badan aan la jiray xoolaha. Baadiyaha kolka dibadda la aado waa in xoolaha lala jiro si loo daajiyo iyo in dugaagga laga ilaaliyo.   Markii ugu horreeysay oo aan xoolo masuul ka noqdo waxaan har ka doontay geed. Bartamaha maalinta ayay ahayd oo qorraxdu ugu kulushahay. Wax walba waxay u ekaayeen 180 hagaag intii aanan arag xoolihii oo u kala didey jihooyin kala duwan. Waan kacay oo dhankoodii u dhaqaaqay, laakiin waan daahay. Dhurwaa ayaa idihii midna dilay midna dhaawacay. Waxaan ku guuleeystay inaan dhurwaagii eryado, laakiin dhibtii way dhacday.   Naftayda ayaan ka niyad jabay aniga oo ku fekeray inaan cid dambe i aamini doonin iyo in la igu wada qosli doono. Guriga markaan imid waan ceebeeysnaa, laakiin aabbe ayaa igu yiri in middan oo kale ay ku dhici karto cid walba.   Carruurnimadii waxaa na saarneyd masuuliyad ka ballaaran midda dhallaanka maanta saaran. Waxaan u ciyaari jirney hab aaney dhallaanku maanta garaneyn. Waxaa loo dhaqmi jirey sidii da’ ka wayn midda ey dhallaanku maanta u dhaqmaan. Dhallaanka Iswiidhen waxey ku koraan xaalad ey helaan wax walba oo daruuri ah oo ey nolosha ugu baahan yihiin sidii ey ugu guuleeysan lahaayeen. Dhanka kale waxay ila tahay in aaney masuuliyad saarneyn. Waxey wakhti badan ku lumiyaan camallo maalaayacni ah, sida iney kombiyuutarka hor fadhiyaan ama daawadaan tv-iiga.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above