Page 154

Codadkeenna, Sawirradeenna

Soo saaraha buugagta soomaaliga Maxamed Shiikh Xasan ayaa xasuusta inuu ahaa shakhsigii 72-aad ee soomaali ah ee yimaada Iswiidhen.   Waxay ahayd sannadkii 1981, waxayna ahayd xilli qaboobe, dhabbooyinka waxaa yaalay baraf, soomaaliyana waxay dagaal kula jirtay Itoobiya. Waddan ay muddo aan dheereeyn hortiis ey gabdhaha iyo wiilashuba iskuul wada dhigan jireen, ku wada ciyaari jireen heesihii Sam Cooke iyo Fats Domino, muddo yar dabadeedna meesha ka baxay bulshadii dhammaanteedna uu burbur wayn ku yimid: dagaallo qabiil, dagaal oogeyaal, muslimiin xag jir ah, burcad badeed, ciidammo ajnabi ah, gaajo iyo burbur.   Siyaasiyiin ka tirsan waddammada Afrika, Mareeykanka iyo EU waxey Soomaaliya ku tilmaameen dawladdii ugu guuldarrada xumeeyd. Urur arrimmahaa wax ka cabira ayaa sheegay in aanu caalamka ka jirin musuqmaasuq ka liita.   Iswiidhen waxaa maanta ku dhaqan qiyaastii 40 000 oo Soomaaliya ka soo jeeda, iyadoona uu Maxamed Xasan ka mid ahaa kuwii ugu soo horeeyey. Xilligaa ma aanu qiyaasi karin, laakiin isaga ayuu noqday soo saaraha buugagta soomaaliga.   ”Waxaan Iswiidhen soo caga dhigtay jannnaayo, waxaanan luuqadda ka bilaabay daarta ABF ee waddada Sveavägen. Waxay u dhaxeeysay laaybareeriga wayn iyo daarta dhaqanka, halkaana waxaan u tegi jiray inaan ka akhristo wargeeysyada mareekanka iyo carabta. Xushmad ballaaran ayaan u hayaa howlwadeennada madxafyada buugagta 150


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above