Page 148

Codadkeenna, Sawirradeenna

“Gabadha maxaa wiilku dheer yahay?” Hadday inani waagii beryaba wax u eg yeeleyso Inteenna u walaaliyo hadday waalidka xurmeyso Wacdiga loo dhigayiyo hadday waanada adkayso Wanaaggiyo nadaafada hadday weheshi moodeyso Wargeyska iyo raadyaha hadday wada aqoonayso Warqadda iyo buugyada hadday wadar u eegeyso Wareeggaa ku ceeb ahe hadday weligi diideyso Waddankeeda loo haray hadday weer u xiranayso Maxaa wiilku dheer yahay hadday wadato hawsheeda? 144


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above