Page 131

Codadkeenna, Sawirradeenna

af-soomaaliga. Waxaannu ka amba qaadney qaamuuskiisii, dabadeed waxaannu eegney dhammaan culuun caalamka iyo qeybo soomaaliya ka mid ah laga qorey sidii aan ereyo ugu kordhin laheyn.   Qaamuuskayaga waxaa ku qoran 50 000 oo erey. Waa tiro aad u badan ee luuqad afrikaan laga qoro, laakiin haddii aan awood dheeri ah u heli laheyn waxaannu gaarsiin karney illaa 100 000 oo erey.   As-soomaaliga sida luuqadaha kale ayuu leeyahay kala duwanaan. Luuqaddii la doortey sannadihii 1970 waa tii illaa 1940 loo isticmaali jirey waxyaabo uu raadiyuhu ka mid yahay sidaa daraadeed ayuu ku noqdey afka guud ee Soomaaliya. Go’aanka waxaa la gaarey 1972 iyadoo carqalad la’aan lagu aqbaley.   Goolka qaamuuska ayaa ah in luuqadda lagu adkeeyo. Wuxuu kaloo leeyahay qoraal bandhig dheer oo la xiriira habka uu u qoran yahay oo cid walba u sahlaya iney isticmaasho. Wuxuu kaloo xambaarsan yahay sharraxaado naxwe ah, marka waa qaamuus 127 dhab ah. Waa sidee xaaladda luuqadda soomaaliga maanta, kolka loo barbar dhigo xaaladda dalku ku sugan yahay? Waxaan ka cabsi qabaa in wax badan oo luuqadda ka mid ah la lumiyey. Ma ahan afka lagu hadlo, ee waa marka laga hadleyo tacliinta oo muddo 20 sannadood ka badan lagu jirey dagaal sokeeye.   Geesinimo ayey ahayd in dhallinyarada soomaalida oo wax ku baran jirtey luuqadaha talyaaniga, ingiriiska iyo carabiga mar qura soomaali loo bedeley. Siyaasad ahaan waxay ahayd tallaabo ku habboon. In la xooro afafkii gumeeystaha, luuqad ayaannu leenahey! Laakiin waa sheeko kale in luuqadda la gaarsiiyo heer sare. Howshiinu ma mid mustaqbalka la xiriirtaa mise in la xafido luuqadda? Waxaan rajeeyn inuu run ahaantii wax tar u yeesho jiilalka mustaqbalka. Soomaali badan waxey ku dhasheen dibadaha oo waa muwaadiniin iswiidhish ama talyaani ah, laakiin asalka ayaa isaguna muhiim ah. Luuqadduna waxay ka mid tahay xididdada asalka u ah.   Qaamuuska waxaa laga heli karaa shaashadda internet-ka, isaga oo bilaash ah. Waa hab aannu Soomaaliya ugu direyno. Horraantii waxaan ahaa lingvist caadi ah oo keliya leh aragti (teori) tacliin aan la taaban karin, laakiin markaan Soomaaliya tagay waxaa is bedelay aragtidaydii oo dhan. Aragtidu waxay noqon kartaa mid xiiso iyo ku dhiirasho leh, hase yeeshee kolka la dareemo in xaqiiqda lagu sameeyn karo saameeyn waxay noqon mid mowduuca quseeya.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above