Page 129

Codadkeenna, Sawirradeenna

125 Maxamed Daahir Afrax Maxamed Daahir Afrax waa qoraa sheekooyinka iyo riwaayadaha soomaaliyeed oo wax ku qora luuqadaha soomaaliga, carabiga iyo ingiriiska. Qoraalladiisa ayuu isaga dheereeyaa musuqmaasuqa iyo cadaalad darrada bulshada dhexdeeda ka jirta. 1981 ayuu ka qaxay Soomaaliya. Qaamuuska cusub ee soomaaliga ayaa muhiimad u leh siyaabo kala duwan. Kow ma jiraan wax badan oo soomaali ku qoran, qaasatan marka laga hadleyo suugaan tayo leh. Waxaa jira qaamuusyo, laakiin waa kuwo yaryar oo aan tayo wanaagsaneyn. Qaamuuskan ayaa kuwa kale kaga duwan dhumucda iyo habka uu u qoran yahay.   Waxaan ka mid ahay dadyoowga ka welwelsan meeqaanka af-soomaaliga iyo mustaqbalkiisaba. Luuqadda ayey saameeyeen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay iyo sharcidarrada sannooyinka dambe dalka ka jirtey. Dhammaan waxaa burburey hayadihii ku howlgeli jirey luuqadda iyo suugaanta. Tayada luuqadda maanta loo isticmaalo wax barashada, maamulka iyo war baahinta ayaa aad u hooseeysa. War baahinta, oo muhiimad ugu fadhida luuqadda, ayey tayadeedu aad u hooseeysaa. Maxaa lumey? Waxaa lumey keydkii ereyada iyo naxwihii. Midda ugu welwelka badan waxay tahay naxwe darrida. Jiilalka yaryar ayaa isticmaala naxwe khaldan. Warbaahinta, suugaanta iyo riwaayadaha ayaa qiime ku fadhiyey, waxey dhabba tus iyo han kicin u ahaan jireen jiilasha yaryar. Waagii aan dhallinyarada ahaa ayaan riwaayadaha tegi jirey halkaasoo aan ka bartay habka riwaayadaha looga hadlo. Luuqaddaa ayaa moodo ii noqotay. Waxaan kaloo dhageeysan jiray idaacadda qaranka iyo wargeeysyada qaranka oo aan akhrisan jiray. Waxey xilligaa ii ahaayeen qaar ku dayasho wacan u leh ciddii dooneeysay inay luuqad wanaagsan ku hadasho. Maxay saameeyn ah oo ku yeelaneeysaa shakhsiga iyo bulshada mar haddii luuqaddu halowdo? Dhibaato xooggan ayay u geeysaneeysaa. Haddii ay ciddi si aan habbooneeyn luuqad ugu hadasho, waxay saameeyn xun ku yeelaneeysaa cidda dhageeysanaysa, gaar ahaan dhallaanka. Luqad aan haggaagsanayn waxay horseedaa hab fikir aan wanaagsanayn, illaa laga gaaro fikirro aan wanaagsaeyn.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above