Page 122

Codadkeenna, Sawirradeenna

Faaduma Cali (Nakruuma) Waxaan ku dhaqanahay magalada Toronto ee dalka Kanada muddo iminka 23 sannadood 118 laga joogo. Waxaan ahay fanaanad, jilaa iyo qore muusik. 50 sannadood ayaan ku howlanaa! Iminka waxaan ahay ayeeyo. Afartayda carruurta ah iyo hooyaday waxaan ku wada dhaqannahey isla magaalada, waanan ku faraxsannahey inaan nahey kanadees soomaali ah. Magaalada Toronto waxaa ku taala xaafad ey dhammaan maqaayadaha iyo dukaammada ku yaala ey soomaali leeyihiin. Mararka qaarkood waxaan dareemaa inaan Muqdisho joogo.   Halkaa ayaan ku barbaaray. Markii hore waxaan noqday milateri dabadeedna jilaa. Waxaan ahaa gabadha keliya ee leh lix walaalo wiilal ah. Aabbahay wuxuu ahaa milateri waa halka aan ka howlgalay madaama aan jeclaa. Ciidammada waxay lahaayeen koox muusikada garaacda, aniguna waxaan noqday gabadhii ugu horeeysay ee la heesta. Dabadeed waxaan galay kuleejo aan ku bartay xirfadda kalkaaliyaha caafimaad iyo farmashiiste.   Dhanka muusikada ayaan sidoo kale ka soo galay jilaanimada. Waxaan wax ka jilay aflaan, waxaan ka qayb qaatay masraxyo adduunkana goobo kala duwan ka soo booqday. Kadib waxaa burburay maamulkii 1991. Nasiib wanaag aniga iyo carruurtaba waan ka badbaadney. Waxaan taageero ka helnay Laankhayrta Cas oo noo soo qaaday


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above