Page 117

Codadkeenna, Sawirradeenna

aan kuu heynaa tacliin kugu wanaagsan. Diintaada ma dooneeysaa inaad haysato? Xaqiiq, waa kuu furan tahay, laakiin beyadda ha rabshadeeyn. Kolka la yimaado waddan ammaan ah waa in la ogsoonaado in hayaduhu dhowreyaan ammaankaaga.   Haddaan u socdaalo Itaaliya viisa la’aan waa lay xirin. Iswiidhen way ka duwan tahay. Halka waxaa lagu siin wax walba oo aad u baahan tahay, tacliin, hooy, wax walba oo aad u baahan tahay. Waa in marka la xushmeeyo xeerarka u degsan. Waa in loo dhaqmo sidii soomaali wanaagsan – maadaama aaney soomaalidu wada hagaagsaneeyn. In la ogaado soomaali in la yahay maxay ka dhigan tahay? Luuqad ayaa la leeyahay, soomaaliga. Waxaa la og yahay in dal kale la leeyahay. Wadankaasi waa mid kala qeybsan oo burburay, laakiin waa mid jira. Cid walba oo Soomaaliya ka timaada wuxuu haystaa dhalsho soomaali ah, waa soomaali. Dalkii wuu ku sugayaa si aad berito dhismihiisa uga qayb qaadato. Laakiin si aad u sameeyso waa inaad tacliin leedahay sharcigana aad ixtiraanto.   Haddii aad ka mid aheyd dadkii Soomaaliya burburiyey oo aad dib ugu noqoto ood muran ka bilowdo si qaldan ayaad u fekereeysaa. Soomaaliya waxaa burburiyey qowleeysato iyo xagjir. Bulshada ayaa baadiyihii ka soo socdaashay oo muqdisho timid oo ey ka mid ahaayeen kuwii magaalooyinka burburiyey, bililiqeeystey alaabooyinkii iyo baabuurtii. Waxaa soo baxay bulsho aan sharci ku dhisnayn. Nidaamka Nidaamka dimoqoraadiyadda ayaa la oran karaa inuu ku dhisan yahay nidaam bulshada badankeed isku raacday, waana mid la oran karo inuu iminka ka jiro Soomaaliya: dadka badankii ayaan waxna qorin waxna akhrin. 113


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above