Page 113

Codadkeenna, Sawirradeenna

109 Cabdalla Xaaji Yuusuf Waxaan deggenahay xaafadda Rosengård ee magaalada Malmö. Waxaan horraantaydii jaamicad ku taala Room aan sannadkii 1962 ka qaatay shahaado cilmiga baarista noocyada shidaalka. Sannadkii 1967 ayaan dib ugu laabtay Soomaaliya. Bilowgii waxaan u shaqeeyay dawladda, dabadeed waxaan ku wareegay shaqo aan dawli ahayn aniga oo u shaqeeyay shirkad cilmi baaris oo mareeykan ah. 1976 ayaan u guuray dalka Qadar oo ka shaqa bilaabay. Waxaan soomaaliya ku soo noqday 1985. Waxaan furtay shirkad iyo inaan noqday macallin si gaar ah wax u dhiga.   1990 ayey dhibaato na qabsatay dagaalkii sokeeyena uu bilowday. Waxaan ku khasbanaaday inaan reerka dalka kala soo baxo. Markii hore waxaan tagney Qaahira dabadeed waxaan ku noqoney Soomaaliya. 2008 ayaa la burburiyey wixii aan lahaa oo dhan, madxaf iyo gurigii aan lahaana la bililiqeeystey. Waxaan dareemay in nolosheeydu halis ku jirto oo aan magangelyo u baahday waana midda halkan i keentay. Maxaad Iswiidhen ku dooratay? Ma dooran. Caadiyan kolka la qaxo dad ayaa lacag la siiyaa oo waddada kuu horseeda. Lama ogsoona halka loo socdo. Waxaan imid Jabuuti, kadib Dubay. Cid i weydiisay ma jirto waxa dhici doona. Ninka ayaa baasaboorka iyo tigidhadaba hayay, isaga ayaa qorsheeyay. Ugu dambeeyntii ayuu ii sheegay inaan isteeshinka tareemmada ee Malmö ku soconno. Halkaa ayuu iiga tagay. Cidna kama garanayn halka.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above