Page 106

Codadkeenna, Sawirradeenna

Moodada soomaalida Dhaqan ahaan ayey dharka soomaalidu xidhaan ey saameeyn ugu yeesheen dhaqammo kala duwan oo la xiriira xiriirkii ganacsi ee dalku lahaan jirey. Dharka iyo qaabkooda ayey sidoo kale ku kala duwan yihiin gobollada dalku. Xeerarka dharka ee muslimiinta ayaa saameeyn ballaaran sidoo kale ku yeeshey, waa mid si xooggan looga dareemeyo Soomaaliyada maanta.   Dadyoowga labista dharka casriga ah ayaa qaata dharka hiddaha iyo dhaqanka kolka ey xafladaha ka qeyb geleyaan.   Haweenku waxey inta badan qaataan googarado dhaadheer ama toobab ama cambuurro 102 oogadooda oo dhan qariya. Dhacle iyo boqor waa dhar dhaqameedka la xirto aroosyada, iyo sidoo kale kolka ciyaaraha dhaqanka la soo ban-dhigeyo. Dirac waa nooc kale oo ka mid ah oo loo isticmaalo xafladaha iyo casumaadaha. Haweenka la qabo ayaa timaha ku qariya iskaaf lagu magacaabo - shash.   Raggu waxey xirtaan bafto ey dhexda sidii googaradda ugu duubtaan iyo maro ey garabka saartaan. Macawis waa mid dhexda laga xirto, halka khamiisku uu gaaro illaa boqomaha. Raggu waxey kaloo qaataan koofiyad.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above