Page 99

Codadkeenna, Sawirradeenna

dayay in mashiin ku xiran yahay. Meel walba nadiif ayay ahayd Iswiidhen. Waxaan ku fekeray: Miyaanay marna wasakhoobayn halka?   Kolkii aan iskuulka bilowney waxaa nala fariisiyey fasal diyaarin oo ey dhigtaan dhallaan afka la barayo. Dhakhso ayaan u bartay. Markii hore ma garaneyn si aan u dhaqmo. Waa sidee kolka la jarayo qaybta ugu horreeysa ee doolshada. Laakiin sannad dabadii waxaan dareemay inaan ka mid noqday ardeyda iskuulka iyo bulshada. Si dhakhso leh ayaan ku bilaabay fasal caadi ah. Iswiidhishku xiise ayey ii qabeen wiilkaygan madow oo leh timaha wayn. Waxaan u dareemayay wanaag, waxay doonayeen iney ogaadaan qofkaan ahay. Waxaan yeeshay saaxiibbo badan oo iswiidhish ah. Waxaan ciyaari jirney leego (alaabo la isku xirxiyeyo) iyo ciyaaro kale.   Kadib waxaan u soo guurney Malmö. Reerka ayaa rabay iney meel la deggaan qaraabadooda. Fasalkii lixaad Ayaan bilaabay iskuulka Sofielund. Waxaa caado ii ahayd inaan si xushmad leh u hadlo iyo inaan gacmaha dhaqdo intaanan wax cunin. Meeshan nolol kale ayaa ka jirtay. Waxaa halkaa joogey ardey dhaqammo kala duwan ka yimid. Waxay ahayd sidii adoo iftiin ka soo baxay oo mugdi soo galay. Ceey fara badan, sawaxan badan, macallimiin aan war ka heyn; jahwareer ayaa ka jiray. Magaalada Ystad waa la is xushmeeyn jirey, halka waa inaad khatar noqoto ood wax iska dhiciso si aad u badbaado. Shakhsiyadaydii ayaan wax ka bedelay si aan ugu milmo. Hooyaday ayaa iskuulka looga yeeray maadaama aan dagaalamay.   Iminka waxaan bartay culuunta hoggaaminta xilliyada fasaxa ardeyda. Waa howl igu wanaagsan, inaan carruurta iyo dhallinyarada la shaqeeyo. Kolkaan xoogaa shaqeeyo oo waayoaragnimo yeesho Ayaan rabaa inaan tacliinteeyda sii wato oon barto culuunta bulshada. Kolka 12-13 jir la yahay, waxaa loo baahan yahay cid lagu daydo. Dhallaanka aan haysan ayaan rabaa inaan u noqdo. Dhallinyaro badan ayaa u haysata in wax walba degdeg u dhacaan, kama fekeraan natiijada ka dhalan karta waxay sameeyaan. Mustaqbalka Soomaaliya maxaad u maleeyn? Waxaa la wada rajeeyneyaa nabad. Caraftii dalka ayaan yaraantaydii soo dareemay, laakiin kuwa Iswiidhen ku dhashay ma yaqaanaan halka ey ka soo jeedaan. Waxyaabo badan ayaan halkaa ka shaqeeyneyn. Waxaa ku dhibaatooneya waa shacabka. Saameeyn kuma laha. Waxaa loo baahan yahay dhallinyaro, maskax caafimaad qabta oo nidaamka gaboobay badasha. Waa shacabka cidda dalka wadda. Codadkooda waa in la maqlo. 95


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above