Page 98

Codadkeenna, Sawirradeenna

Cali Qaasim, hoggaamiye dhallinyaro ee ururka Hidde Iyo Dhaqan Waxaan ahay 28 jir, Iswiidhen waxaan deggenaa muddo 20 sannadood ka badan, laakiin 94 waxaan ku dhashay magaalo yar oo la yiraahdo Jamaame oo Muqdisho ku dhow. Waalidkey ayaa ka soo qaxay kolkii dagaalku billowday. Waxay lahaayeen beero iyo xoolo, roodhidooda ayey kala soo bixi jireen. Waxey beeri jireen bariis, qare (xabxab), moos iyo cambe. Lacag yar ayey heysteen, marka waxey u soo qaxeen Keenya. Inta badan waxaa la ugaarsan jirey ragga, sidaa daraadeed ayey raggii deggenaa magaaladaa yar ee wanaagsan dhammaantood ugu qaxeen meel ka nabdoon. Adeeradey mid ka mid ah oo iminka London jooga, ayaa ii shegay iney ku khasbanaayeen iney duurka ku dhuuntaan toddobaad, halkaasi oo ey kula kulmeen xayawaan duur joog ah, dadka qaarkiina xanuunsadeen. Waxay ahayd xaalad adag.   Annagu waan yaryareeyn oo waxaan hooyo iyo qaraabo kale u raacney Keenya. Waxaan u lugeeyney Kismaayo, halkaasi oo aan cabbaar joogney ilaa aan xuduudka Keenya ka aadno. Nayroobi waxaan ka degney xaafadda Muqdishada yar. Qiyaastii labaatameeyo ayaan aheyn; hooyo. Walaasheed, ayeeyo iyo ilmo badan.   Aabbe wuxuu ku haray Kismaayo. Weli halkaa ayuu deggen yahay. Si uu dalka wax ugu qabto ayuu halkaa ugu haray. Siyaasadda ayuu rabay inuu ka qayb qaato. Waa xaalad adag inuu halkaa ku haro. Waxaa la jecel yahay inuu aabbe mar walba ku garab taagnaado oo talooyin siiyo wiilkiisa.   Keenya ayaan iskuul ka bilaabay. Waxaan bartay ingiriis iyo sawaaxili. Iskuulku lacag ayuu ahaa. Gelinka dambe ayaa iskuulka la aadi jirey , kadib guriga ayaa la iman jirey, wax la cuni jirey dabadeed waxaa la aadi jirey dusgiga quraanka.   1993 ayaan viise ka dalbanney Iswiidhen. Iswiidhen waxay qaabili jirtey qaxootiga waxaana jirey suurtagal ah in nala qaabilo. Waxaan buuxiney waraaqo, waxaa nalaga qaadey saami dhiigga ugu dambeeyntii waxaa la gaarey go’aan. Qaraabo ayaa halka noo joogtey noo sheegtay sida Iswiidhen u wanaagsan tahay.   Horay umaanan arag dad cadcad, markii aan nimid Ystad waxay igu noqotay argagax. Aabbe ina adeerkii ayaa gaarigiisa volvo-da nagaga soo kaxeeyay garoonka Sturup. Waxaan daawaday dhulka wada cagaarka ah iyo dadka baaskiillada wada wata. Waxaan degney xaafad deggen iyo deris iswiidhish ah. Guriga waxaa yiiley tv iyo fadhi. Waxaan tagney xeebta oo jallaato cunney. Dhallinyaro badan oo waxaan aragney ku ordeya kabo shaagag leh. Ma garaneeyn habka ey u shaqeeyaan kabahaa waxaan moo


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above