Page 86

Codadkeenna, Sawirradeenna

  Goobiley waa ciyaar goobaabin waa la boodboodaa oo hadba lug lagu istaagaa, halkaasina 82 oo labalaba loo heeso muusik la’aan.   ”Dhallaanka ayaa ka heley ciyaarta dhaantada,” sida ay sheegtay Faadumo M Salaad oo masuul ka ahayd qaybta dhaqanka ee qorshaha EREB. ”Waa ciyaar sahlan in la barto iyo muusiko aad u wanaagsan. Kooxaha ciyaarta ayey xubin ka yihiin dhallaan ka heley ciyaarta dhaantada oo raba iney bartaan oo ka soo jeeda qowmiyado kale.”   Dhallaanka roonroon ayaa ku tababarta oo soo bandhiga dhaantada, sidoo kale goobiley iyo sharrax. Ciyaarta Sharraxa ayaa caan ka ah Muqdisho. Waa ciyaar aad u wanaagsan oo xiiso leh, laakiin ka adag dhaantada, sida ay sheegtay Faadumo M Salaad. Goobiley waa ciyaar caan ka ah koonfurta Soomaaliya. Carruurta roonroon ayaa bishii 8 jeer tababar sameeya waxaana inta badan la socda saaxiibbadood oo raba iney qayb ka noqdaan. Dhallaanka yaryar ayaa toddobaadkii mar ama laba tababar ku sameeya.   Muhiimadda kooxaha ciyaaraha ayaa ah sidii lagu heli lahaa cid tusaale wanaagsan u noqota dhallaanka doonaya iney mehered yeeshaan iyo iney dhallaan kale la kulmaan. Waaldiinta ayaa sidoo kale aad uga hela iney dhallaankooda oo badankood dalkan ku dhashey ey wax ka bartaan taariikhda, dhaqanka iyo ciyaaraha soomaalida.   ”Qaarkood waxey sheegeen in dhallaankoodu bilaabeen iney af-soomaali ka wanaagsan ku hadlaan eyna wax ka barteen dhaqanka sidii ey u bilaabeen tababarrada ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka. Kolkii aan waalidiinta ku casunney ayey qudhoodii bilaabeen iney ciyaaraan kolkii uu gabalku sii dhacayay,” sida ay sheegtay Faadumo M Salaad. ”Maalintii oo dhan ayey eegeyeen sida dhallaanku u ciyaarayeen dabadeed ayey tuseen wixii la barey kolkii ey yaraayeen. Rag iyo dumarba waa la wada ciyaarey. Dhallaanka wejiyadooda ayey ka muuqdeen sidey ula yaabanaayeen. Ma aaney filleeyn in soomaali qaangaar ah uu ciyaaro sideedaba.”


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above