Page 83

Codadkeenna, Sawirradeenna

Maxaa Iswiidhen lagu soo doortay? Hooyo ayaa maqashay in Iswiidhen uu waddan fiican yahay. Xaggaa hoose wax badan lagama yaqaanno Yurub, laakiin waxaa dhici karta in lala kulmo mukhalis kaa caawiya in halka la yimaado. Waxaa la weydiiyaa waddammada sharciga siiya soomaalida iyo halka aaney cunsuriyad ka jirin iyo cidda caawisa qaxootiga. Waxay markaa maqashay in Iswiidhen ugu wanaagsan tahay. Mukhalis ayay lacag siisay si uu halka u keeno. Laba maalmood dabadeed ayay soo hadashay oo soo sheegtay inay Iswiidhen tagtay. Laba sannadood ku dhowaad ayay sharci sugeeysay, kadib ayay annaga na dalbatay. Sideey ahayd in halka la yimaado? Meel ka duwan ayay ahayd, aad bay u wanaagsanayd. Dal xor la yahay ayuu ahaa. Waxaan 79 bilaabay dusgiga sare kadibna dugsiga waxbarashada dadka waaweyn.   Markii hore waxaan rabay inaan hostis (adeege dayuurad) ku shaqeeyo, laakiin gadaal ayaan iska bedelay oo rabay inaan dareewal basaska ka noqdo. Iminka waxaan rabaa inaan ka shaqeeyo ammaanka garoommada diyaaradaha. Mustaqbalka waxaan rajeeyn inaan Soomaaliya ka shaqeeyo. Iswiidhen waxay ahaan doontaa weligeed dalkaygii, inaan soo booqdo, laakiin qorshaheeygu wuxuu yahay inaan Soomaaliya u guuro hadday hagaagto.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above