Page 79

Codadkeenna, Sawirradeenna

aad qayb uga noqoto waa inaad tahay tuug gaboobay, waa inaad tacliin sare ku heysato wax is daba marinta.   Horraantii Soomaaliya waxaa la isku dili jirey qabiil ahaan. Maanta waa laga tagey. Dad ka tirsan qabiillo kala duwan ayaa maanta Muqdisho ku wada sugan. Kuwii cadawga isu ahaa ayaa maanta isugu dhow. Wax wada cuna. Isku si u fekera. QM ayaa sidoo kale ku laban. Soomaaliya oo dhan ayaa noqotay qorshe mucaawino, mana jirto cid xiiseenaysa inuu istaago maadaama qaar badani dakhligooda ey lumin lahaayeen.   Dawladda ayaa dhaqaalaha jeebka ku shubata. Xoolaha ma qeeybiyaan. Waxba kama aanay qaban dhibaatooyinkii jirey, hase yeeshee way sii hurisay. Waxey inta badan u dhoofaan dibadda si ey shirar uga qayb galaan. Dhibaatadu waa iyaga ee maahan xalkii. Iyaga ayaa ugu wacan iney weli jiraan qaxooti dalka gudihiisa, in aaney dadku maalkoodii dib u heli karin, in kooxaha kala duwan iyo al-shabaab ey sii jiraan. Waxey sheegaan iney la dagaalameyaan, laakiin ma sameeyaan. Al-Shabab waxay joogaan garoonka dayuurradaha, ciiidammada xuduudda, waxey ka howlgalaan madaxtooyada, waxey ku jiraan boliiska iyo milateriga. Waxey fadhiyaan halboowlaha Muqdisho, xididdada dhiigga qaada ee magaalada.   Jiilalka soo koreya ayaan arag wax intaa ka duwan 20-kii sannadood ee ugu dambeeyey. Dalkan ma sidan ayaa loogu talo galey? Waxey ku fekeraan in bani’aadminimadu sidan tahay. Rajada ayaa ah inuu yimaado jiil kale oo qaba fikir ka duwan ee qiimaha bani’aadminimo, dimoqoraadiyad iyo sinnaan. Soomaaliya waa jannadii caalamka oo la qurmiyey. 75


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above