Page 78

Codadkeenna, Sawirradeenna

ayaan ku hakaney garoonka dayuurradaha ee Belgraad, halkaa ayaan ku aragney gabar dheer oo biyoondo ah, qabta surweel jiinis ah islamarkaana gacanta sigaar ku haysata. Waxaan xasuustaa inaan ku fekeray siday ugu dhiiratay? Kadib halka ayaan ku barbaaray, 74 umana arko in arrintaasi tahay wax lala yaabo!   Sannadihii 1990 Iswiidhen way ka duwaneeyd sida ay maanta tahay. Dhaqaale ka badan ayaa xilligaa jiray. Waxaa jiray goobo ka badan oo dhallaanka lagu maaweeliyo xilliga fasaxa. Tirada ardeyda fasallada sidaa uma badneyn. Bulshada ayaa ka ammaansanayd. In warqad la saxiixo, magac lagu qoro buug oo lacag lagu rido sanduuq ayaa lagu kireeysan jiray daar lagu ciyaaro. Looma baahnaan jirin in baaskiilka lagu xiro silsilad. Waa sifooyin uu ruux walba jecleeysan karo in dhallaankiisu ku barbaaraan. Waan ku faraxsanahay inaan nidaam noocaas ah ku barbaaray. Waa mid xusuustayda ku hartay. Waa sidee xaaladda Soomaaliya ee maanta? Aad ayey u kala duwan yihiin siyaasiyiintii shalay iyo kuwa maanta. Waayadii hore mabaadii kala duwan ayaa jirey. Iminkase waa lacag un. Dadaalku wuxuu un yahay sidii lagu macaashi lahaa. Cidda Soomaaliya aadda si ay siyaasi u noqoto waxaa ka dambeeya un lacag.   2008 waxaan shan bilood Soomaaliya la joogay aabbahey, halkaasoo aan ka helay sawir la xiriira sida hoggaanku u nool yahay, wax u maamulo iyo fikirradiisaba. Haddii loo barbar dhigo sida bulshadu u nooshahay waa kaaf iyo kala dheeri. Madaxdu waxey ku nooshahay guryo waaweyn oo qabow, waxey lacag geliyaan baabuur iyo gabdho. Waxey dhaqaale iyo miisaaniyad geliyaan waddammo iyo koontooyin dalka dibaddiisa ah. Albaabka guriga ey deggen yihiin waxaa fadhin kara oo ku tuuksanaya ruux curyaan ah, ama hooyo haysata ilmo sabi ah. Dhaqaalaha ey isticmaalaan waxaa runtii iska leh kuwa albaabka hortiisa ku tuugsanaya. Sidee lagu bedeli karaa fikirkaa? Kuma jiro siyaasiyiinta soomaalida maanta siyaasi nidaamka u galay inuu isbedel la yimaado. Waxaa dhammaan ka jira musuqmaasuq aad u xooggan. Codka ayaa la iibsadaa. Codka ayaa jooga tabaneeyo kun oo doolar.   Raashinka qaxootiga ayuu gacanta ku hayaa ururka caalamiga ee Qarammada Midoobey (QM), hase yeeshee aanu garoonka ka bixin iyadoon maamulka dekedda laaluush la siin. ”Waa hagaag, maanta waxaa la saarin toban baabuur, laakiin laba ka mid ah adiga ayaa gacanta laguu gelin oo aad suuqa ka iibin karto.” Waa musuq hoos illaa kor. Daacad ma ahaan kartid. Waayo waa lagu dilin. Haddii aad Soomaaliya tagto si aad wax u badasho, qoorta ayaa laguu dheereeyn. Si aad magac u yeelato ama nidaamka


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above