Page 77

Codadkeenna, Sawirradeenna

timid diyaarad lagu daadgureeyey reerkii, hase yeeshee aabbahay wuu ku haray. Weli madax 73 ayuu ahaa oo masuuliyad ayaa saarnayd.   Waxaan u soo guurnay Muqdisho oon degney guri ka mid ah guryahayagii. Wax yar kadib aabbe waxaa loo soo wareejiyey caasimadda. Wuxuu garwaaqsaday in xaaladda dalku ka xumaan doonto inta aanay dib haddana uga soo hagaagin, laakiin suurtagal maahayn in la saadaaliyo halka ay ku dambeeysay.   Wuxuu noo suurtageliyey inaan Soomaaliya ka soo baxno. Waxaan deggeneyn Dubay, Pakistaan, nus sano Qaahira, muddadaasina ayuu diyaarsaday in dalka Talyaaniga shaqo loogu diro. Waxay ahayd dhabbadii uu ku soo bixi lahaa, haddii kale suurtagal ma noqoteen inuu dalka ka baxo. Intii aannu deggeneyn magaalada Qaahira wuxuu aabbe joogay magaalada Room. Sannadkii 1990 ayuu noo soo diray dokument aannu ku tagno magaalada Baarliin. Waxaannu tagnay safaaradda Soomaaliya halkaasi oo nalagu sugaayey maadaama uu aabbe nagala ballamay. Waxay na siiyeen waraaqo aannu ku soo aadney Iswiidhen.   Aabbe ayaa nagu soo biiray kolkii dawladdii Muqdisho dhacday. Waalidkey ayaa maqlay in Iswiidhen tahay waddan wanaagsan oo ey soomaali horay u joogtey. Waxaan iminka qiri karaa in doorasho wanaagsan ey waalidkay sameeyeen!   Soomaaliya waxay ahayd waddan aanay cadaalad ka jirin. Dadka qaar ayaa isku koobay kheyraadkii dalka. Qabiil dhab ah inaad ka timaado. Boos wanaagsanna aad hayso. Inaad ka tirsanaato milateriga iyo boliiska. Waxaa dhacday in xiriirro dartood ay abuurantay impradoodriyad leh ganacsi. Inaad ka soo jeeddo qoys mudan si aad iskuul qaas ah u dhigato. Xeerku ma qaban jirin qoysaska mudnaanta leh. Cidda keliya ee cid kale wax yeeleeyn kartay waxey ahayd cid kaa sarreeysa. Waxay ahayd sidii silsilad oo kale. Waxaan u maleeyn in cadaalad darradaasi sabab u ahayd burburkii dawladdii Soomaaliya. Kolkii uu Siyaad Barre xukunka qabtay aad ayaa loo jeclaa, hase yeeshee wakhtiba wakhti intuu ka dambeeyey ayuu xaqiiqdii ka fogaadey. Dadkii ku hareersanaa ayaa ka faa’iideeystey iyadoona uu musuqmaasuqii batay.   Milaterigu waa dubbihii dawladda. Saraakiil sarsare ayaa shaqo ka dhigtay iney bulshada laayaan, habeenkii khamri cabbaan, qaad cunaan iyo gabdhaha yaryar oo ey la haasaawaan. Shaqadooda si wanaagsan uma qabsan jirin. Waxay lahaayeen awood. Ugu dambeeyntiina Siyaad Barre wuxuu ku khasbanaaday inuu oodda ka qaado wiilashaa si ey ammaanka ugu soo celiyaan goobaha dhibaatooyinku ka dhashaan. Waxay ahayd isku daygii ugu dambeeyay ee awoodda lagu adkeeysan lahaa. Waa midda dhalisay in shacabku ku sii dhiiradaan qalalaasaha. Waxaa soo baxey dhallinyaro hubeeysan oo aan anshax laheyn. Waxaa dhacay burburkii.   Dabadeed waxaannu nimid Iswiidhen. Waxaan haweenka ka haystay sawir, waxaana i saameeyay fikirradii bulshada ee igu hareereeysnaa. Intii aan Baarliin ku soo soconey


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above