Page 72

Codadkeenna, Sawirradeenna

raaci jirney askarta qaarka kalena howlo kale ayey qaban jireen. Dhammaan waa la diyaar garoobi jirey.   Xilligaa waxaa jiray xisbi keliya. Dhallinyaro ayaan aheyn oo waxaa kama fekeri jirin. Wax walba wey nala wanaagsanaayeen. Si dadku u kacaan saddexda habeennimo waxaan dhagax ku tuuri jirney saqafka, kadib inta is aruursanno ayaan is daba geli jirney. Waxaa jirtay isku xirnaan ballaaran, oo waxaan wada sameeyn jirney waxyaabo xiiso leh. Iskuullada Iswiidhen waxaa dhigta ilmo aad ayeeyo u tahay. Muxuu iskuulkoodu kaga duwan yahay iskuulkii aad dhigan jirtay? Halkaa waxaa la xushmeeyn jirey macalinka. Waxaa la xushmeeyn jirey dadka waaweyn iyo saaxiibbadooda ka weyn oo ey wada shaqeeyaan. Halka macallinka waa lagu af celin 68 karaa oo waxaa loo dhaqmi karaa sidii la doono. Laakiin haddii aan la xushmeeyn dadka waaweyn bulshadu way isku dhex yaacin.   Toddobaadkii maalin keliya ayaa fasax la ahaa, waxay ahayd jimcada. Tv guriga ma oolin, marka waxaa la aadi jirey magaalada oo filin la geli jiray. Kadib guriga ayaa la iman jiray. Iminka dhismeyaashii shaleemooyinka waa la burburiyey. Hadda waxaa laga yaabaa inuu ruux tv wayn soo qaato oo markaa dhallinyaro badan yimaadaan oo lacag ku bixiyaan iney daawadaan. Markaad yarayd ma jireen goobo lagu caweeyo? Waxaa jiray kalaabyo, laakiin gabar keligeed ma aadi karin halkaa. Waxaa khasab ahayd in lammaane lagu yimaado. Caweeysyadu waxey ku yaaleen huteellada waaweyn. Ma isu barbar dhigi kartaa dhowr iyo toban jirkaagii Soomaaliya iyo da’da maanta Iswiidhen ku dhaqan? Wakhtigaa kolkii iskuulka la dhiganayey waxaa dhici kartay inaan koronto la heysan. Waxaa la isticmaali jirey faynuus oo aan u wanaagsaneyn caafimaadka iyo indhahaba. Ardeyda qaar oo wax wada baran jirey waxey aadi jireen goobo layr leh. Halka dhallaanku waxey heystaan xaalad ka wanaagsan. Waxaa la haystaa madxafyo, waxey bartaan kombiyuutarro. Xaaladdu way ka duwan tahay.   Xilligaa kama aanan fikiri jirin wax aan ahayn iskuulka. Inta badan waxaa la joogey guriga, wax intaa dhaafsiisan ma jirin. 15-jirrada reer Iswiidhen maanta waxey ka fekeraan wax badan. Wey safri karaan. Waxey leeyihiin suurtagallo badan, waxaa la qaadey tallaabooyin badan. Xaalado badan ayey heystaan. Xaaladdahaa annagu ma heysan.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above