Page 60

Codadkeenna, Sawirradeenna

Cabdalla Cumar Mansuur oo ka hadlay dhaqanka soo yaalka iyo casriga Cabdalla Cumar Mansuur wuxuu horay u ahaa caalin ka dhiga afafka iyo taariikhda qowmiyadaha kushiitiga jaamicaddii qaranka Muqdisho. Iminka waxay howlihiisu ku xiran yihiin jaamicadda Room wuxuuna sanooyinkii ugu dambeeyey ku howlanaa qaamuuska afka soomaaliga ee la soo saarey sannadkii 2012.   Qoraalladii la magac baxey ”The invention of Somalia” ayuu Mansuur ku qoray:   ”Dhowr waxyaabood ayaa loo sababeeyaa burburka dawladdii Soomaaliya. Sida fikirkaygu qabo hab fikirkii qabiilka, fahan la’aanta dabeecadda dawladda iyo deeqda dhaqaale ee caalamiga ayaa ahaa sababihii ugu waaweynaa ee burburiyey dawladdii Soomaaliya.”   Wuxuu ula jeedaa in soomaaliya ey lid ku tahay qarannimo. Gude ahaan waxay bulshadu 56 u qeeybsan tahay qabiillo aan laheyn taariikh waayo aragnimo ee fahanka dawladnimo. Kolkii buuggan la qoray 1995 oo lagu jiray xilligii burburka ayaa la sheegey in dadka soomaaliyeed 60% ahaayeen reer guuraa.   ”Si loo fahmo dhaqanka soomaalida waa in la qiimeeyo dhaqanka soo jireenka ee gabayada afka iyo qiimihiisa. Badankood gabayadaa waxaa tiriyey geel jire u qiimeeyn jiray geellu inuu sabab u yahay cadawtinimada raagtay ee qabiillada kala duwan.”   Mansuur wuxuu qirayaa in aaney meel wada geli karin dhaqanka soo jireenka ah iyo nidaam dawlad casri ah.   ”Annagu soomaali haddaannu nahey waxaan u xabisannahey dhaqan aannu waayo hore sameeysaney iyo inaannu diidannahey inaanu dib uga fikirno. Waxannu u baahannahey in dadkayaga wax la baro si loogu dhiiri geliyo iney ka xoroobaan hab fikirka qabyaaladda, samofal iyo dhiigmiirad nimo. Keliya markii aannu abuurno dhaqankaa cusub ayay suurtagal noqoneysaa inaannu dib isugu abuurno, isla markaana aannu bilowno inaannu dib u yagleello dawlad wax ku ool ah.”


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above