Page 53

Codadkeenna, Sawirradeenna

dibadda uma bixi karin xilligii dagaallada. Si qado lagu helo waxaa khasab ahayd in la hubeeysan yahay. Nolosha haweenku wey ka duwaneeyd wixii ka horeeyay 1991. Sinnaan ayaa ka jirtay. Waa waddan muslin ah, hase yeeshee diintu maahayn midda wax hoggaamisa wakhtigaa. Waxaa jiray haween saraakiil, boliis, duuliyeyaal, xildhiaanno ah. Tirada gabdhaha wax barta ayaa sarreeysey.   Waxaa oo dhan waa la burburiyey. Sharcidarradu culeeys ballaaran ayay keentaa. Waa xaalad adag in lagu noolaado.   Kolkii dagaalku biloowday waxay haweenku guryaha kula nagaadeen dhallaankii iyaga oo halkaa ku sugayey waxay cuni lahaayeen. Ragga ayaa bulshada hoggaaminayey. Intaa waxaa dheer in ninku aannu waxba ahayn hub la’aan. Cid, cid kale dhageeysaneeysay ma jirin. Hubka un baa la dhageeysanayey. Haddaan hub iyo rasaas haysto waad ku khasbanayd inaad i dhageeysato.   Horay waxaan u heeysanay dawlad. Bulsho dimoqoraadi ah ayay ahayd. Laakiin maxaa ka dambeeyay? Waddooyinka waaweyn ayaa isbaarooyin loo dhigtey gawaaridii. Kharash ayaa lagu bixin jirey si loo dhaafo. Waxaa la isku aruursadey qabiil. Waxaa jirey hoggaamiyeyaal dagaal. Kooxaha burcadda ayaa lacageeystey. Si ey dhaqaalahooda ku ilaashadaan waxey sameeysteen ciidammo. Waxey soo jiteen dad. Dagaal oogeyaasha ayaa shaqo bixiyeyaal u noqdey dhallinyarada, oo ey ku heleen qandaraas iyo ammaan, meel aanu ammaan ka jirin. Si ey ku ilaaliyaan dhaqaalaha dagaal oogeyaasha ayey heleen mushaarrooyin wanaagsan. Reerka ayaa la biili karey. Waxaa xoogeeystay awooddii dagaal oogeyaasha, waxey heleen shaqaale badan. Suurtagal maaheyn in awoodda laga qaado.   Goob aan ammaan ahayn ayuu ka abuurmay nooc ammaan u dhigma. Dagaal oogeyaashii ayaa Muqdisho kala qaybiyey. Waxey bilaabeen iney falalkooda diimeeyaan. Iyaga qudhoodii ayaa aaminey wixii ey sheegayeen oo xagjirro noqdey. Faraha ayay ka baxday. Markiiba waxaa waddan fakhri ah ka soo baxay dad lacag ku bixineya olole lagu soo ururineyo carruurta aan waalidka laheyn. Maskaxda ayaa laga dhaqayaa. Waxaa jira kooxo ka faa’iideya jiritaanka al-shabaab. Cidda ka heleeysa dheefta ugu weyn ayaa maal gelisay. Kolka aad gaajeeysan tahay oo aadan ammaan haysan waxaad tahay shakhsi la hanan karo. Markaa ayaa lagu isticmaali karaa.   Waxaan ula jeedaa in sharci darradu ka xun tahay shuruucda uu leeyahay hoggaanka xun. Waxaa ka wanaagsan Saadaan Xuseeyn ama Qadaafi in aan la haysan dawladnimo. Sharci la’aanta ayaa ka liidata. Waa midda ugu xun. Waxay sameeynaysaa dadka oo 49 dhan oo noloshooda kharibeeysaa.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above