Page 52

Codadkeenna, Sawirradeenna

  Markaan Soomaaliya tagay ayaan arkay suurtagal inaan u guuro. Waxaa jira rabitaan adag oo aan la qiyaasi karin. Iswiidhen waa noo bilaash inaan wax ku baranno. Waxaan ku noolaan karnaa nolol wanaagsan annaga oo wax baraneyna. Haddii wax la barto oo la helo shahaado wanaagsan waxaa suurtagal ah in shaqo la helo. Suurtagalladaa kama jiraan Soomaaliya. Waxey leeyihiin go’aan iyo rabitaan, waxaase ka maqan suurtagalladii. 48 Qaar badan oo ka mid ah soomaalida Iswiidhen ayaa aad ugu liita iskuulka iyo shaqada. Haddii ey qaraabood ku soo booqan lahaayeen Soomaaliya waxay u noqon lahayd tusaale wanaagsan. Maxay ugu liitaan Iswiidhen? Waxaan u maleeyn iney ka timid jiilasha waaweyn. Imisa ayay dawlad Soomaaliya ka jirtay intaanay dawladdu dhicin? 1960-kii ayaa xoriyad la qaatay, 1991 dawladdii ayaa burburtay. 10-kii sanno oo ugu horeeyey qoraal af soomaali ma jirin. Sannadihii 1970 ayaa la bilaabay nidaamka iskuulka, sannad walba wuu ka sii wanaagsanaanayay. Ma jiraan jiilal badan oo jaamicado dhigtay. Jiilalka yaryar wey ka duwan yihiin, dhammaan kuwa suurtagalka u heley iney dibadda ku barbaaraan.   Aad bay u nasiib darran yihiin kuwa ku barbaarey Soomaaliya 20-kii sannadood ee ugu dambeeyey. Howlo badan ayaa loo baahan yahay si dabeecaddooda wax looga bedelo. Waxey leeyihiin habnololeed ka duwan oo aan la qiyaasi karin.   Afar jirro ayaa arkey meeydad dhulka daadsan. Waxaa dhici karta iney ku ciyaari jireen meeydad dhexdooda. Burbur badan ayaa dhacay. Kolkii dawladdu dhacday waxaa la bililiqeeystey hubkii. Shacabkii ayuu gacanta u galey. Hub ayaa dalka ku baahay. Sharcigii ayaa gacanta bulshada galay.   Halka waxaan ku barbaarney sax iyo khalad. Mararka qaarkood way dhacdaa in khalad la sameeyo, laakiin waa la ogsoon yahay waxa saxda ah. Xannaanada ayaa la isku baraa. Laakiin Soomaaliya carruurtu xabbadaha ayey ku ciyaaraan, war kama hayaan waxa khatarta ah. Kala garan mayaan saxda iyo khaladka. Markaan yareyn waxaan ku ciyaari jirney guriga gudihiisa. Iyagu waxey ku ciyaaraan guriga dibaddiisa, waxey arkaan dad hubeeysan. Waa dhul aanu sharci ka jirin. Caadi ayay u noqotay carruurta. Sharciga maahan ee waa waayo aragnimadaada waxa go’aamiya waxa caadiga ah.   Iswiidhen waxaa caadi ah bulsho leh nidaam taageero dhaqaale. Waxaad ka imaneeysaa Soomaaliya oo aad Iswiidhen imaneeysaa. Uma baahnid inaad ku fekerto sidii aad raashin ku heli lahayd. Xagga waxaad ku khasbanayd inaad calafkaaga raadsato. Halka waad ku nasteexaysan kartaa. Waa sidii jannadii oo kale.   SoomIiyadii hore waxaa jirey haween macallimiin ah, kuwo dayuurradaha ka shaqeeyn jirey. Waxay ahayd bulsho shaqeeynaysa, hase yeeshee way burburtay. Kadib waxay masuuliyaddii fuushay raggii siday cunno ugu heli lahaayeen reerka. Haweenku


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above