Page 51

Codadkeenna, Sawirradeenna

47 Maxamed Cabdullaahi Waxaan ku shaqeeyaa ilaaliye. Tacliin bar ahna waan dhigtaa.   Marka aan jaaliyadaha Yurub ku nool safar u tagno Soomaaliya, hoos ayaa naloo eegaa, waxaa naloo arkaa dad ka duwan. Dad yaab leh ayaa naloo arkaa. Maskaxdooda waxaa markiiba ku soo dhacaya inaan ku soo barbaarney nolol jilicsan. Aan marna wax la tabin.Waxaan ula muuqanaa dad aad u jiljilicsan. Xagga waa dad adadag,waxey soo mareen nolol qaxar ah. Waxaan ku soo kala barbaarney laba nolol oo kala duwan. Waxey aaminsan yihiin ineynaan fahmeyn noloshooda.   Anigu waxaan ku dhashay Iswiidhen. Waalidkay waxey dalka yimaadeen bilowgii sannadihii 1980. Aabbe wuxuu tacliinta injineer elektroonikada ku bartay Dubay, halkaa ayey hooyo ku kulmeen. Ku aqal galeen, dabadeed waxey u soo qaxeen Yurub. Bilowgii waxey deggenaayeen waddammada Boolan iyo Jarmalka, kadib ayey markab u soo raaceen Iswiidhen. Waxey ku yimaadeen fasax, waxey la dhaceen cimilda Skåne. Waxey degeen Lund, halkaasoo uu aabbe shaqo ka helay. Waa meesha aan anigu ku dhashay. Dabadeed wuxuu shaqo ka wanaagsan ka helay Ystad, halkaasi oo aan u guurney. Fasalka labaad aniga oo ku jira ayaan Malmö u guurney. 2008 ayaa haddana dib reerka loo rarey. Waxaa loo guurey London. Markaa oo aan 18 jir ahaa. Aniga oo keliya ayaa dib ugu soo noqdey Iswiidhen, reerka intiisii kale waxey deggen yihiin Ingiriiska. Ma tabeeysay Iswiidhen? Haa. Iswiidhen waa gurigaygii. Ystad ayaa qalbadda iiga taal. Magaalada Lund ayaan ku dhashay, Malmö waan ku koray. Saaxiibbadey badankeed waxey deggen yihiin agaarkan. Laakiin soomaaliyana waad tagtay? Markii ugu dambeeysay wuxuu ahaa safarkii aan ku marayay qaaradaha Afrika iyo Aasiya oo sannad iyo bar qaatay sannadihii 2010 iyo 2011. Waxaan la socday aabbahay oo aan aabbihiis arag muddo 20 sannadood ah. Waxaan ku kullaney magaalada Nayroobi ee dalka Keenya, halkaasi oo ey aabbe walaalihiis ka kala yimaaden Iswiidhen, Ingiriiska iyo Mareeykanka. Waxey soo kaxeeysteen carruurtoodii. Wuxuu ahaa kulan uu qooysku ku kulmayey. Waxey guryo ku lahaayeen Nayroobi, halkaasina oo ka ammaan wanaagsanayd sidii galbeedka oo kale.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above