Page 46

Codadkeenna, Sawirradeenna

  Faragelintu waxay sidoo kale horseeday in la maalgeliyo kooxo hubeeysan, kuwaasina 42 oo xoog ku dhacay raashinkii mucaawinnada iyo hub, waxey canshuur ka qaadeen dekedaha iyo in baad lagu soo rogo ururrada mucaawinnada iyaga oo iibiya waxyaabihii mucaawinnada loogu talo galey. Warbixin ay soo saartay Qarammada Midoobey sannadkii 2010 ayaa lagu xaqiijyay iney bar cunnadii mucaawinnada loo geeyey Soomaaliya ey gacanta ku dhigeen kooxihii islaamiyiinta iyo ganacsato musuqmaasuq ku nool ah. Bulshada caalamka ayaa ka niyad jabtay wixii ka dambeeyay guuldarradii howlihii Qarammada Midoobey. Soomaalida ayaa faraha la isaga qaadey. Halkaasina oo dagaalkii uu ka sii socday.   Waxaa biloowdey kulammo nabadeed lagu qabanyey waddammada deriska. Kulammadaa ayaa noqdey kuwo uu dhaqaale fara badani ku kaco oo ey si lama filaan ah u iclaamin jireen Qarammada Midoobey ama ururro kale. Xitaa haddii dawladihii ku meelgaarka ee lagu dhisey uu caalamku aqoonsanaa, ayey haddana ahaayeen kuwo aan awood lahayn. Mana aysan jirin meel ey awood ku lahaayeen. Dalka isku magacaabay Soomaaliland iyo dawlad gobleedka Puntland waxey abuurteen hoggaammo.   Dawlad la’aanta intii lagu jirey 2006 ayey abuurmeen ururradii maxaakiimta, kuwaasi oo awood ballaaran yeeshey illaa intii ka horreeysay duulaan kaga yimaada ciidammada Itoobiya oo kalsooni ka heeystey Mareekanka lix bilood dabadeed. Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii maxaakiimta waxey u baxsadeen dalka Eriteriya, halka qaarkood aadeen baadiyaha koonfurta, dibna u soo laabteen iyagoo al-shabaab ah. Dhammaadkii 2000 ayuu al-shabaab maamulayey qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, halka ay dawladdii la aqoonsanaa maamulaysay Muqdisho iyo agagaarkeeda.   ”Soomaaliya waxay ku sugan tahay dhabbadii kala guurka,” sida uu sheegay Cabdiweli Maxamed Cali, madaxii dawladda ku meelgaarka, mar uu ka hadlayay kulan caalami ee soomaaliya loogu qabtay magaalada London bishii feeberaayo 2012 halkaasina oo uu mujinayay rajo. ”Waxaan ka sii fogaaneynaa xilli dagaalooge, argagax, xagjir iyo burcadnimo, waxaan u guureeynaa xilli nabad, deggenaansho iyo nolol caadi ah.”   Dawladda ku meelgaarka oo la aqoonsanaa ayaa 2012 waxaa badalay dawlad aan ku iman doorasho guud. Dawlad aan awood ballaaran lahayn. Xaaladda aan sugnayn ayaa halkeedii ka sii jirtay; 2013 ayaa ururka dhakhaatiirta aan xadka lahayn uu ku khasbanaadey inay Soomaaliya isaga baxaan, maadaama ey shaqaaluhu cabsi dareemeen.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above