Page 42

Codadkeenna, Sawirradeenna

biil ayaa la gubey ama la aasey. Bulshada soomaalida ayaa lagu dhiri geliyey. Soomaalidana 38 waxaa lagu dhiiri geliyey iney qayb ka noqdaan mehrejaannada iyo qaybaha kooxaha shaqaalaha.   1972 ayaa go’aan muhiimad ku fadhiya la gaarey kolkii xuruufta soomaaliga lagu qorey Laatiin. 1974 waxaa la hir geliyey ololihii qorista iyo akhriska. Ardey iyo bareyaal ka badan 30 000 ayaa loo direy baadiyaha iyo sidii ey reer miyiga u bari lahaayeen nadaafadda, akhriska iyo wax qorista.   Isla waagaa waxaa sii xumaatay xaaladdii dalka, Sannadihii 1974, 1975 waxaa dalka ka dhacay abaartii abid ugu xumeeyd. 1977 wuxuu Siyaad Barre dagaal u caddeeyay dalka Itoobiya si uu u xoreeyo dhulka Ogaadeenya. Muddadii dagaalku socday ayuu dalkii Midowga Soofiyeeti siyaasaddiisii rogay oo uu ka wareegay Soomaaliya oo ey horay xulufo u ahaayeen si uu u caawiyo hoggaamiyihii Maarkisiistaha ee Mengistu Haile Mariam, oo xukunka kala wareegay 1974 boqorkii dalkaasi Haile Selassie. Guuldarradii dagaalka laga dhaxlay iyo abaaro ba’an oo dalka asiibey ayey dad badani uga soo hor jeesteen maamulkii. Koox saraakiil ah ayaa isku daydey inqilaab fashilmey iney ku ridaan Siyaad Barre.   Qorshihii madax weeynaha ee la dagaalanka qabiilka ayaa dib ugu soo noqday isagii. Sannadihii 1980 waxaa abuurmey jabhado qabiil ku saleeysan. Waxaa ka mid ahaa Somali National Movement (SNM), oo matalayay gobolkii isticmaarka ingiriiska ee Somaliland oo ka sheeganayay maamulkii Siyaad Barre. Jawaabtii dawladdu ka bixisay ayaa noqotay mid aad u adag; magaalo madaxdii deegaanka ee Hargeeysa ayaa si culus dayuurrado loogu weerarey waana midda keentay in loogu magac daro dhaqankii Afrikaanka. Magaalada ayaa la burburiyey, halkaasina oo dadkii ey uga qaxeen Itoobiya, waxaa halkaa ka dhacay qaxii afrika ugu degdegta badnaa oo ey ka qaxeen dadyoow gaarsii-san nus malyan.   Bishii maarso ee sannadkii 1988 ayay jabhaddii SNM weerar ku qaaday magaalooyinka Hargeeysa iyo Burco, waana halka uu ka bilowday dagaalkii sokeeye. Gobolladii kale ee dalka ayey ka aasaasmeen kooxo kale; Somali Salvation Democratic Front - waqooyi bari, United Somali Congress - koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, Somali Patriotic Movement - galbeedka. Kuleeylihii sannadkii 1990 ayey garabyadaasi ku midoobeen dagaal ka dhan ah Siyaad Barre.   Dawladda dhexe ayaa markaa lumisay awooddii dalka marka laga reebo magaalada Muqdisho. 26-kii jannaayo 1991 ayuu dhacay maamulkii waxaana meesha ka cararay Barre. Wixii xilligaa ka dambeeyay ayey badankood bulshada soomaaliyeed ku sugnayd hoggaan la’aan. Waxay ku noolaayeen dawlad la’aan.   Si dhakhsa ah waxa meesha uga baxay heshiiskii kooxaha. Qabiilladii heshiisku ka dhexeeyey ayaa cadawtinimo isu rogay. Waxaa bilowday dilkii waxashnimada lahaa


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above